Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan Oo Maanta Ku Geeriyooday magaalada London

Qoraa/Abwaan/Halgamaa Maxamed Baashe Xaaji Xasan saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Geerida naxdinta leh ee Marxuun Maxamed Baashe Xaaji ayaa lagu soo qoray  barta uu ku lahaa Facebook-ga.

Qoraalkaasna wuxuu u dhignaa sidatan “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicoon. annagoo ka raalli ah qadarka eebe waxa aynu idinku war gelinaynaa in saaka rabi oofsaday Maxamed Baashe X Xasan.

 

Hawlwadeenada   Oodweynenews  waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummada Soomaalida ee uu uu ka baxay marxuun Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Ilaahay qabriga ha u nuuro, ilaahay ha dhigo marti laga jecelyahay aakhiro, ilaahay janatul fardowsa ha ku casuumo. amiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker