GUURDOONKA WAXAAN UGU DAAHAY SHAKI BADAN AWGIIS

Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo jira 34 sano, waxaan ku daahay waxbarashada muddo, laakiin 8-dii sano ee ugu danbeysay waan shaqeynayay, markii aan shaqada fiican helay, qoyskayga ayaa igu bilaabay culays si aan u guursado, laakiin wili iima suurtoobin inaan helo gabadha aan ku riyoon jiray, waxaan sheekeysanay gabar waxbaratay oo diin iyo akhlaaq badan aan ku tuhmayay, iyadoo sheekadu meel fiican noo marayso, ayaa galab sheekeysanay nin dhalinyaro ah oo ah kuwa gabdhaha xiriirka badan la sameeya, waxaan ka sheekeysanay gabdho badan oo aan wada naqaan, hase yeeshee wuxuu itusay sawiro qaawan oo gabdho leeyihiin, waxaa ku jirtay gabadhii aan la sheekeysan jiray iyo gabdho kale oo aan kheyr ku tuhmayay, amakaag badan iyo wadno garaac badan ayaan dareemay, waxaan weydiiyey “yaa sawiradan kusiiyey? wuxuu iigu jawaabay iyagaa iisoo diray, candhuufteyda ayaan dib u liqay, waxaan si degdeg ah xiriirkii ugu jaray gabadhii aan la sheekeysanayay, anigoon waxba u sheegin, waxay iweydiisay sababta keentay inaan xiriirka joojiyo, laakiin waan ka gaabsaday, muddo 4 sano ah oo kale ma la sheekeysan gabarna, waxaan doortay inaan kaligey ahaado, laakiin waalidkey ayaa igu wada culayskii iyo dhiirigelintii inaan guursado, waxaa maalin kale isbaranay gabar diin iyo akhlaaq leh, muddo 3 bilood kadibna xiriirka ayaan u jaray, anigoon wax dhib ah ku arag, sidaas oo kale ayaa igu dhacday 3 jeer oo kale oo hablo la sheekeystay, asxaabteydu waxay iisheegaan in gabdho fiican la helo, laakiin anigu ma arko kuwaas, shaki ayaa iga buuxsamay, mana aamini karo cidna, hadaba waxaan codsanayaa inaad igu caawisaan sida ugu fiican ee aan buufiska isaga saari karo, una heli karo gabar fiican oo aan la wadaago nolosha qoyska.
waxaan marka hore kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada iyo sida wanaagsan ee aad noola wadaagtay mushkiladaada, nooguna ogolaatay inaan ku daabacno Blog-gan.
waxaa hubaal ah inaad la kullantay dhacdo shaki abuuri karta, hadana ma ahayn inaad gabdhaha oo dhan aad ka aaminto inay sawiradooda diraan, waxaan uga digayaa in gabar muslimad ah ay sawirkeeda noocuu doono ha noqdee ay u dirto qof, maxaa yeelay waxaa maanta fududaaday sawirada caadiga ah in la la badelo oo si xun loo adeegsado, hadaba waxaa khalad weyn ah iyo fadeexo ay habluhu sameeyaan inay sawiro qaawan u diraan dhalinta, gabadha samaysana waxay hoos udhigtay qiimaheeda aduun iyo aakhiraba.
walaal waxaan kugula talinayaa arimahaan:-

  • inaad aamintid inay jiraan gabdho wanaagsan oo aan sawiradooda dirin, dadka hadii qof aad ku tuhmaysay wanaag, uu xumaado , taas macnaheeda maahan in dadkoo dhan sidaas yihiin ” qofkii dhaha dadku way halaagsameen, isaga ayaa halaagay” xadiith.
  • waxaan kugula talin lahaa inaad qaadato tababarka culuumta qoyska, si aad u awoodo inaad naftaada caawiso, shakiguna kaaga baxo.
  • waa inaad la tashataa ehelkaaga, oo aad hoos ugu daadegtaa gabdhaha aad rabto inaad la wadaagto nolosha, astaamaheeda iyo wanaageeda, si laguu caawiyo oo laguula raadiyo.
  • hadii aad hesho gabar fiican oo ah tii aad doonaysay, taas macnaheedu maahan inay tahay mid khalad laga waayayo, qof kasta oo dunidan ku nool waa aadane leh cilado, waa khadlami karaan, mid ka mid ah xeerarka cilmiga qoyska ayaa oranaysa “ma jiro qof iyo qoys aan khilaaf ka dhici karin, maxaa yeelay aadanaha dabeecadiisa waa mid wax ilaawa, dareen khaldan ayaa geli kara, marar badan ayuu gaabis noqon karaa. dhalinteena guurdoonka ah waxay ku riyoodaan (sida aad adiguba ku riyoon jirtay) inay helayaa gabar malaa’ig camal ah, oo aan danbe galayn, ma adigaa samaystay qofkaan? ma adigaa soo barbaarsaday? waa muhiim inaan ogaano in dadku kala duwan yihiin, qofkastana leeyahay waxyaalo u gooni ah.
  • buufiska iyo shakiga aad ka qaaday sawiradaas waa mid wakhti dheer kugu jiray, waxaadna u baahan tahay fadhi latalin ah in laguu sameeyo.
  • xiriirka Allah kor uqaad, cibaadooyinka Allah ku bari inuu kaa saaro buufiskan, xaas fiicana ku siiyo, qofka aad rabtid Allah weydiiso, waad ka helaysaa, kana faa’iidayso maalmahan barakaysan ee lagu jiro, ee 10 ka danbe ee Ramadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker