Xulista Guddida wada hadalka:- (Waxaa muhiim ah in aad kala barato,Guddiggi farsamo iyo Guddigga wada hadalka,runtiina aad ayey u kula duwan yihiin)

Guddida wada hadalka ,waa guddida sida rasmiga ah ugu qayb gelaysa wada hadalka idiin dhaxayeeya   wadanka amase Dowlada kale  ee aad wada hadlaysaan. Waa guddida fadhiisanaysa Miiska wada hadalka . Soo xulista guddida wada hadlka kaga qayb gelayaa,aad iyo aad ayey muhiim u tahay,sababtoo ah waxaad markasta jeceshahay in aad guul ka soo hooyso,wada hadalka aad ka qayb gelayso.Guusha aad doonaysaana waxay ku xidhan tahay la arimood:-

  1. Shaqsiyaadka aad u xulatay in ay kaga qayb galaan wada hadalka.
  2. Wixii cadeymo ah ee aad u haysato amase aad ku doodayso.

 

 

Shaqsiyaadka ay ka kooban yihiin guddida wada hadalka:-

  1. Guud ahaan in ay yihiin shaqsiyaad ku fiican Luqada lagu wada hadlayo(waa muhiim)
  2. Gudoomiyaha guddida wada hadalka.
  3. Siyaasiyiin/Diblomaasiyiin- Wasarda arimaha dibadda iyo Wasaradaha kale ee arintu khusayso.
  4. La taliye dhinaca Sharci (Sharci yaqaano)
  5. Aqoonyahano ku xeel dheer arinta laga wada hadlayo.
  6. Aqoonyahan dhinaca Saxaafada ah.
  7. Xoghaynta guddida.

 

 

Shuruudaha laga rabo Gudoomiyaha guddida wada hadalka:-

Shuruudaha laga rabo Gudoomiyaha guddida wada hadalka,waxaa ka mid ah:-

  1. In uu yahay shaqsi aqoon fiican u leh arinta laga wada hadlayo.
  2. In uu yahay shaqsi  ka dhisan dhinaca ,Aqoonta—waayo aragnimada iyo Siyaasadaba.
  3. Shaqsi go,aan qaadasho leh.
  4. In uu yahay shaqsi aqoon fiican u leh Luqada lagu wada hadlayo(muhiim).
  5. In uu yahay shaqsi degan dhinaca dabeecada.(si yar looga cadhaysiin Karin).
  6. Shaqsi isku kalsoon oo aanay baqdin iyo welwel ka muuqaan/aan wejigiisa laga akhrisan  Karin.
  7. In uu yahay shaqsi aan balwad lahayn(aan isticmaalin maandooriyeyaasha kala duwan).
  8. In uu yahay shaqsi aan ka xishoon hadalka,gaar ahaan qudbadaha,dhar wanaagsan xidhan.
  9. iwm

 

 

 

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker