Shacabka Turkida iyo siyaasiyiinta qaar ayaa ka cadhooday falkan uu Sacuudigu sameeyay

Waxaan goor sii hoaraysay idinla wadaagnay in ciyaar kama-dambeys ah oo ay ciyaari lahaayeen laba kooxood oo Turki ay baaqatay kadib markii uu muran ka dhex dhashay masuuliyiinta Sucuudiga iyo ciyaartoydii Turkida.

Ciyaartoyda labada kooxood ee Galatasaray iyo Fenerbahçe ayaa watay boorar uu ku sawiran yahay madaxweynihii u horeeyay ee Turkiga Mustafa Kemal Ataturk oo loo dabaal dagayey 100 sano guuradii kasoo wareegtay madaxtinimadiisii.

Masuuliyiinta Sucuudiga ayaa diiday in Magaalada Riyaad oo garoon ku yaal ciyaartu ka dhacaysay laguso bandhigo sawirrada iyo odhaahyadii Mustafa Kemal Ataturk, taas oo cadho ka dhalisay shacabka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga.

Waxaa si cadho leh uga falceliyay qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga, waxaana ka mid ah duqa magaalada caasimadda ah ee Ankara Mansur Yavaş iyo afhayeenka xisbiga talada haya ee AKP Ömer Çelik.

Mansuur ayaa yiri: “Waxaan ku xardhaynaa wadada ay ku taallo safaarada Sacuudi Carabiya, calankayaga iyo boodhadhka Ataturk”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker