War deg deg ah: Garoonka Bardaale ee Gobolka Baay oo Shir Diyaaradeed ka Dhacay

Wararka ka imanaya magaalada Bardaale ee Gobolka Baay Ee Dalka Somalia ayaa sheegaya inuu shil ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Shilkan ayaa la sheegay inuu la xidhiidho diyaarad kuwa xamuulka ah oo maanta halkaasi ka degaysay.

Mas’uul ka tiran shirkadda diyaaradaha African Express ayaa idaacadda VOA u sheegay in diyaaradda shilka gashay ay shirkaddu leedahay isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.

ILO xogogaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday meel u dhow garoonka. Sababta ay usoo dhacday diyaaradda ayaan ilaa hadda si cad loo sheegin.

Dad afar ama ama shan qof ah ayaa la sheegay inay diyaaraddaas saarnaayeen. Balse ilaa imika la ma sheegin cid wax ku Noqotay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker