Dawlada Kenya oo la Safatay Masar , Muranka Biyo xidheenka Wabiga Niile

Nairobi (OWN) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Masar Abdel-Fattah Al-Sisi u sheegay in Kenya ay Taageersan tahay mowqifka Masar , dhanka Kiiska  muranka badan dhaliyay ee Wabiga Niil kasoo ka dhexeeya Masar iyo Ethiopia .

 

Afhayeenka El-Sisi, Bassam Rady ayaa sheegay in Madaxweynaha uu taleefon ka helay dhiggiisa Kenya, kaasi oo ay kaga wada hadleen Muranka Biyo-Xidheenka kadib markii ay burbureen wada-hadalladii Washington ay dhex-dhexaadineysay ee Masar, Ethiopia iyo Sudan.

 

 

Kenyatta ayaa mowqifka Masar ku Qeexay mid ku saleysan “rabitaanka siyaasad daacad ah”, sida lagu sheegay bayaanka.

 

Xiisadda Masar iyo Ethiopia ayaa kasii dartay kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ee 26-kii February  lagu qabtay magaalada Washington, ayada oo sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah.

 

Kadib markii Ethiopia aysan ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeedhay “Maqnaanshaha aan Cudurdaarka lahayn ee Ethiopia ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.”

 

 

“Masar waxay Adeegsan doontaa wax kasta oo ay Awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Taageerada Kenya ay u muujisay Masar ayaa muujineysa sida ay usii kala fogaanayaan Nairobi iyo Addis Ababa, oo markii horeba ku loolamayey siyaasadda gobolka.

 

Labada dal ayaa xiisad iyo loolan aan toos ahayn uu ku dhex-marayaa Soomaaliya, halkaasi oo Ethiopia ay taageersan tahay dowladda federaalka ah, halka Kenya ay gacan siiso maamulka Jubaland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker