Cudurka Coronavirus oo soo gaadhay Galbeedka iyo Waqooyiga Africa iyo cabsi xoog leh oo taagan

Rabat (OWN). – Cudurka Coronavirs ayaa la Xaqiijiyey inuu ku faafay Wadamo hor leh oo kamid ah wadamada Carabta iyo kuwa kale oo dhaca Galbeedka iyo Waqooyiga Africa.

 

 

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in cudurkan laga helay qof u dhashay wadankeeda oo ka imaaday dalka Iiraan kaasoo soo maray dalka Baxreyn.

 

 

Sidoo kale cudurkan ayaa laga helay Wadamada ku Yaalla Waqooyiga Qaarada Africa Waxaana ka mida Wadamada La Xaqiijiyay,

 

Morocco, Senegal iyo Tunisia kadib markii ay Wasaaradaha Caafimaadka wadamadaas ay si wadajir ah u xaqiijiyeen.

 

 

 

Wasiirka Caafimaadka dalka Tunisia Abdifitaax Al-Maki ayaa sheegay inay wasaaradiisa diiwaan gelisay Isniintii qofkii ugu horeeyey ee cudurkan laga helay, wuxuuna ahaa muwaadin u dhashay Tunisia oo ka Yimi dalka Talyaaniga oo uu daganaansho ka heysto.

 

 

Sidoo kale dalka Morocco ayaa  Cudurkan laga helay qof sidoo kale Talyaaniga ka Yimi oo heysto dhalashada Moroco sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

 

 

Ninka laga helay cudurkan ayaa hadda waxaa la dhigay Isbitaal ku yaalo Magaalada Casablance ee dalka Moroco  sida ay sheegtay  Wakaaladda Wararka Maghreb Agency Press.

 

 

Si lamid ah Senegal iyo Tunisa oo dhaca Qaaradda Afrika waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus, waxaana xaqiijiyay Wasaaradaha Caafimaadka labadaan Dowladood.

 

 

Wasiirka Caafimaadka Senegal Ablaye Diouf ayaa isna xaqiijiyey in Senegal laga helay kiiskii ugu horeeyey ee Corona virus isla markaasna ay hadda ka shaqeenayaan inuusan dalka ku faafin.

 

 

 

Coronavirus ayaa si weyn ugu faafayo adduunyada, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay dalka Shiinaha.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker