Sheekh Saciid ALNuursi Qore Mukhtar Cilmi

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Waxaan salaamaya bahda saxaafadda….

maanta waxaan raba in aan soo bandhigo nin wadaad ahaa oo runti bani aadanka hamigiisu ahaa si u nolol wanaagsan u gaadhaan ,hankiisu wuxuu aha in u arko mujtamaca muslimiinta in horumar gaadhaan iyaga oo diintooda ku dhagan,wuxuu aha nin raxmad badan oo fikirkaas daraadii dhibaatooyin fara badan loo gaystay ,isago nool iyo xita marku dhintay ayay ka daba tagayn qabrigiisa cadawgaas oo qariyeen si loo garan.

wuxuu ahaa daaci dariiqa saxda ah e  faafiya,hadh iyo habeen xuska ilaahay wada (quraan iyo dikir).

waa sheekhii qarnigi 20 aad oo runti xaq nogu leh in fikirkiisa faafino oo .84 sanadood ayu dulmi iyo xabsi iyo daba gal lagu waday lkn way hoos dhigi Kari waayeen hankiisi iyo jihaadkiisi ba, waa sheekh saciid alnuursi oo aha wadaad turki asalkiisuna kasoo jeedo qumiyada kurdiga ee ka dhashayn rag islaamka door weyn ka ciyaaray sida salaaxudiin alayuubi iyo boqorki al mudafar al arbiili.

al mula sheekh siciid nuursi wuxuu dhashay sanadkii 1877 tuulada nuurs oo ku taal bariga turkiga, aabihiisna wuxuu aha wadaad suufi ah wuxuuna siciid iyo sadaxda wiil ee u dhalay kale ku daray malcamadooyinka laga barto quraanka iyo tasawufka islaamiga , runti na wuxu rabay in ay inamadiisu noqdaan rag ku dhisan diinta anfacana mujtamacooda.

macalinkiisa aya ku arkay calamadooyin cilmiyeesan wiilkan yar ee siciid oo 3 jir jiray.

wuxuna u diray walaalkiisa weyn ee cabdalla in u sii gaar ah u baro luqada carabiga, gurigooda marku wiilku tago wuxuu ku mashqoolo culumta islaamka lkn caqligiisu wu ka weyna in lagu wado culumta bilawga ah ee caruurta yar yar la barayey waagaas ,sida darteed dowr sanadood ayuu si gaar ah u baranayey ila oo u wareegay iskool ka fog tuuladiisa oo ku taal doogo biyaziid sheekheduna ahaa maxamed jalaali.

sheekh siciid meeshu rabay ayuu helay iyo sheekha u ka rabo cilmiga ,runti na sheekh maxamed jalaali wuxuu ka bartay culuumti quraanka iyo fiqihiga iyo shuruuxdeeda ila la siiyay ijaazadii oo ka qaatay sh maxamed jalaali isagoo marka gaadhay 14 jir.

sh siciid isago xita dhigta culuumta ayuu la socday waaqica islaamka iyo marxaladu marayo mo ahayn wiil yar oo caadi ah, maskaxdiisu way fogayd , wuxuna aha runti mucjiso taariikhduna ay qori doonta mustaqbalka.

kadib marku helay ijaazadii ayuu tagay iskoolka mula fatxuulaahi afandi ku taal magaalada sicirt, sheekh fatxuulaahi wuxuu la yaabay inta kutub oo soo dhameeyay siciid iyo maskaxdiisa furan,kadibna wuxuu u bilaabay kitaabka jamc al jawaamic oo runtii sh siciid muddo kooban ku xifday kitaabkaas isbooc gudahiis ,dhawr sacaadood maalin walba ayu siiyey,macqoolna aan ahayen in muddo kooban lagu dhamayn karo 362 xaashadood xifdi ah .

miyaad maanta kari karta 362 xaashadoof in aad maskaxda ku qabatid isbooc gudahiis ?runti maya,wana ta u keentay sheekh fatxuulaahi in oo yaabo!,wuxuu yidhi (caadi maaha in laysku keeno fahan iyo aragti dheer waxaana taas ku arkay oo kaliya sheekh al hamadaani ka hor) kadibna isaga aya u bixiyay sh. siciid naaniista badiicu al zamaan.

kadibna sheekh siciid wuxuu u dhuufay bagdaad ciraaq isago aan waxba wadan log ayuu ku baxay ,isago kaymo iyo buuro iyo xayawaan dhex maraya hadh iyo habeen waxayna taasu ku tusaysa yaqiinta sheekh siciid in u ilaahay yahay xaafiid ah oo ka ilaalin doona sharka.

3 bilood isago socda ayuu soo gaadhay magaalada tabliis ku taal kunfurta isago ku socda bagdaad ,wuxuuna sheekhu rabay in u siyaarto sh.cabdilqaadir aljilaani oo qabrigiisa ku yaal bagdaad ciraaq.isago ku sugan tabliis ayay dadkii soo dhaweeyen oo ay ka dhaqaystayn cilmiga lkn culamada iyo sharciga meesha u yaal uma saamixi maayo sh siciid in u duruus ka wado magaaladaas, buuq iyo xasad aya dilaacay dorba ba oo kaga yimi dhanka culumada tuuladaas !.

Lasoco qaybta 2aad……

Qore mukhtar cilmi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker