Waa Noocee Xuska Maalinta 18ka May Ee Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanood W/Q: Sharmarke Farax

Haddii ay jirtey in Wakhtiyada, Qaar ay Laascaanood iyo Qeybo badan oo Gobolka kamid ah Maalintan Sikale loo Xusi jirrey, Maanta Wey ka Duwanaatey sabab kastaaba hajirtee, Waxaanan soo dhaweynayaa Hambalayada Gudoomiyaha Gobalka Sool  Cabdiqani Maxamuud jiidhe ayaa hambalyo u diray dhamaan dadweynaha ku dhaqan dalka iyo daafaha dunida ee ku abtirsada qaranka somaliland .
Qoraal uu kaga hadlayay hambalyadaas iyo bogaadinta maalintan qaran ayaa waxa ka mid ahaa .
“Hambalyo Dhammaan Bulshada Reer Somaliland Xuska Munaasibada 18 ka May.
Waxaan Hambalyo u dirayaa anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabka gobolka sool ee jamhuuriyada somaliland
Dhamaan shacabka somaliland. Madaxwaynaha qaranka iyo madaxwayne ku xigeenka dhaman xukuumada jamhuuriyada somaliland, asxaabta qaranka iyo Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland iyaga, Xaasaskooda, Caruurtooda.
Waxaan leeyahay Hambalyo munaasibada xuska qaran ee 29aad 18 ka may.
Ilaahay malinta maalinteed haynagu gaadhsiiyo nabad iyo horumar barwaaqo iyo badhaadhe” .
sido kale gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa u duceeyay dhamaan shacabweynaha somaliland yidhina ” eebe weyne ha inaga xafido cudurada aduunka dhibta weyn ku haya , alle qaranka haka xijaabo misabada COVID-19, alle inta bugta ha caafiyo , alle nabad waarta ha siiyo qaranka”.
Gudoomiye cabdiqani jiidhe ayaa ah astaanta horumarka ee gobalka sool isagoo ka shaqo geliyay laan kasta oo dawladu lahay.
Mr jiidhe ayaa sii wada dardargelinta olalaha ka hortaga Covid-19 waxana si iskaashi ah shaqo u hayeen isaga iyo shaqaalaha iyo isuduwayaasha dowlada ee gobalkan sool.
Sharmake farah dirieh.
Las-anod sool region.
063-4468743.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker