Jaaliyadda Soomaalilaan Ee Dagan Agagaarka Washington, DC Oo Wakiilka Cusub, Mudane Bashiir Good, Ee Loo Soo Magacaabay Maraykanka U Samaynaya Kulan Caweys Sheeko Wadaagga Ah.

Jaaliyadda Soomaalilaan ee Washington DC iyo Virginia, Maryland, agagaarkeeda oo ku caan ah soo dhawenta masuuliyiinta Xukuumadda, xisbiyada, ururada aan dawliga ahayn iyo qof kasta oo Soomaalilaan hawl shaqo u haya oo yimaadda Washington DC waxay kulan soo dhaweyn ah u qabanaysaa Wakiilka cusub ee Soomaalilaan u fadhiya dadweynaha Maraykanka. Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah nin aqoonyahan ah, dhaqanyaqaan ah, baadhe iyo suxufi weyn ah ayaa kulan la qaadan doona Jaaliyadda. Taariikhdu markay tahay 10-13-2018.

Haddaba waxaan ka codsanayaa Jaaliyadda Soomaalilaan inaynu Wakiilka cusub soo dhaweyno, la sheekaysanno, is baranno, gacmo wadajirbay wax ku gooyaane.

Fadlan wixii faa’faahin ah la soo xiriir telephone-da ku qoran flyer-kan hoos ku jira,

 

 
Mahadsanid

Jamal Y. Daroor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker