Shan Qof Oo Loo Xidhay Muwaaddin Soomaali ah oo dabaq Kasoo dhacay kadibna Geeriyooday dalka Malta

Booliska Malta ayaa sheegay in baadhitaan ku hayaan shan qof oo lala xidhiidhinayo shil ka dhacay warshad ku taallo magaalada Marsa  ee Malta, halkaas oo uu ku naf-waayay Muwaaddin Soomaali ah.

Ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in xidhay laba nin, lana weydiinaayo su’aalo ku aaddan sababa geerida muwaadinkan Soomaaliyeed, halka ay xuseen in ay la hadleen saddex kale, taas oo ka dhigan in lagu tuhun sanyahay geerida muwaaddinkan, sida uu qoray Wargeeyska timesofmalta.com.

Allaha u naxariisteen Axmed Cadaawe Diiriye, oo Soomaali ah, ayaa  ka soo dhacay dhismayaal is dulsaaran (Dabaq) kaasi oo dhaawacii soo gaadhay u geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay in Wiilkan la waayay galabnimadii Isniinta, ee Todobaadkii hore, kadibna dhaawaciisa laga helay Isbitaal aan ka fogeen daartii uu ka soo dhacay.

Ugu danbeeyn Booliska Malta ayaa sheegay inay baadhayaan in Ninkan dabaqa laga soo tuuro iyo in uu asago iska soo tuuray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker