Yaab: Madaxwayne African ah oo Dhaliilay Garsoorka Dalkiisa

Image result for Malawi Peter     Madaxweynaha dalka Malawi Peter Mutharika ayaa weeraray maxkamada dastuuriga ee wadankaas, waxana uu tilmaamay inay duulaan ku tahay Dimuquraadiyada Malawi.

 

 

Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii maxkamaddu ay laashay natiijadii Doorashadii May ee la soo dhaafay ka dhacday dalkaas, taas oo uu Madaxwayne Mutharika uu ku fuulaytay, kadib markii ay tilmaantay in mad-madow badan uu hadheeyay

 

 

Madaxwayne Mutharika ayaa eedaynta maxkamada kadib carabka ku adkeeyay in khaladaadka jiraa ay yihiin oo keliya arrimo la xiriira hanaanka codeynta, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid la dhadhan ah “geeridii dimuqraadiyada Malawi”.

 

 

Madaxwayne Mutharika oo xusuusan in Mucaaridku ay dhawr goor oo hore weerareen, kasooni darana ka muujiyeen Maxkamada dastuuriga ah ee dalkiisa ayaa u gacan haadiyay Mucaaridka, waxana uu ugu hambalyeeyay Kalsooni-daradii ay hore uga sheegteen Maxkamada Dastuuriga ah.

 

 

Xod-xodashan ayaase guuldaraysatay markii ay Mucaaridku Fagaare uga dabaal-dageen go’aanka Maxkamada kuna tilmaameen “Waa’ cusub oo u baryay Dimuquraadiyada Malawi, balse niyad-wanaagaas mucaaridka waxa laga yaabaa inuu soo afjarmo waxa ka dambeeya marka uu xisbiga Madaxwaynaha ee doorashada ku guulaytay uu rafcaan ka qaato go’aankaas maxkamada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker