Soomaaliya: Ahmiyada shirka madaxwaynayaasha dawalad goboleedyada

Dawladda Federaalka Iyo Dawlad Goboleedyadu waa labada dhinac ee ugu muhiimsan uguna awoodaha badan ee ay ku xidhan tahay qabsoomidda doorashada Somalia oo muddo bilo ahi ka hadhsan tahay wakhtigeedii. Ilaa hadda waxa jira Guddi Doorasho oo heer Fadaraal ah oo la magacaabay laakiin aan dhismo ahaan dhamaystirnayn sababtana waxa loo nisbayn karaa Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada oo aan ilaa hadda isla meel dhigin qaabkii doorashadu u dhici lahayd. Marka aynu eegno warbixintii Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku ay ka jeedisay Baarlamanka waxa cad in Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo qorshaheedu yahay in qaabka Doorashadu noqdo hal qof iyo hal cod, taas oo aan suurtogal noqon karin hadii aanay la qaadanin Dawlad Goboleedyadu. Way fiicnaan lahayd Somaliyana guul aanay gaadhin 50kii sanadood ee ugu dambeeyay way u noqon lahayd hadii ay suurogal noqon karayso.
Runtii marka la eego xaaladda Somaliya suurtogal way noqon kari lahayd inta badanna way ka qabsoomi kartaa balse dhibaatada ugu wayn xalkeeduna ugu adag yahay ayaa ah wakhtiga. Hadaba hadii dhinacyada ay ku xidhan tahay qabsoomidda doorashada ee ugu muhiimsan uguna awoodaha badani ay marka hore ku heshiin karaan mudnaanta kobaad in ay tahay qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod inay ka qabsoonto Somalia wakhtiga ugu horeeya ee suurtogal ah, markaa waa suurtogal in xagga wakhtiga ay heshiis ka gaadhi karaan. Hadii kale oo aanay ka heshiin karin markaa kama fursan doonto inta ay goori goor tahay sidii kale ee laga fursan waayo in la isla ogolaado. Markaa ku talogalka Dawladda Federaalku wuu cad yahay balse isuurogal ma noqon karaa mise ma noqon karo cid kale kuma xidhna ee keliya wuxu ku xidhan yahay go’aanka ka soo bixi doona shirkan Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyada. Ilaahayna sida roon ha waafajiyo.
Caligurey
Hargeysa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker