Shacabka Hargeysa Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Xukuumadda JSL Ay Ku Dhintay Qiimaha Shidaalka

Qaar ka mida dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa  ayaa soo dhaweeyay go’aankii wasaaradda ganacsigu ka soo saartay in qiimaha shidaalka la dhimo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu kor u kac ku yimi qiimaha lagu iibiyo shidaalka, kaas oo ay cabasho ka muujiyeen dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa siiba kuwa gaadiidleyda ahi, iyadoo shir ay yeesheen golaha wasiiradana lagu go’aamiyay in wasaaradda ganacsigu ay qaado talaabooyin hoos loogu dhigaayo qiimaha shidaalka lagu iibiyo.

Maalintii shalay ayay wasaaradda ganacsiga Somaliland soo saartay go’aano ku saabsan sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha shidaalka ee qaaliyoobay.

Hadaba qaar ka mida dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa ayaanu waydiinay aragtidooda ku saabsan go’aanadaas ay soo saartay wasaaradda ganacsigu, iyadoo dadweynahani ay shegeen in talaabadaas xukuumaddu qaaday ay tahay haboon, waxaanay kaalamaha iibiya shidaalka u soo jeediyeen inay fuliyaan go’aanadaas ka soo baxay wasaaradda ganacsiga Somliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker