Gudoomiye Ku Xigeenka Koomishanka Maamul-wanaaga JSL Oo U Jawaabay Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

“Xirsi waa in uu isu aqoosadaa in uu yahay gudoomiyaha Xisbi ka jira Somaliland ee aannu ahayn afhayeenka Farmaajo oo difaaca farmaajo aanay meelna uga furnay.”

Gudoomiye Ku Xigeenka Koomishanka Maamul-wanaaga Oo U Jawabay Gudoomiye Xirsi:-

Saaxiibkay Xirsi, waa in uu fahmaa in madaxweynuhu ku dhex jiro muddo xileedkiisii koobaad, maamuuska Madaxweynahana in aanu ahayn mid xisbiyo bixiyaan ee uu yahay arrin dastuuri ah, Doorashada Xisbiyaduna in ay tahay Dastuuri.

Xirsi waa in uu isu aqoosadaa in uu yahay gudoomiyaha Xisbi ka jira Somaliland ee aannu ahayn afhayeenka Farmaajo oo difaaca farmaajo aanay meelna uga furnay.
Arrimaha Passports kana Xirsi isaga ayaaba Iibsaday passport ingiriiska oo Maray Khadka Yaman, Cirro oo uu dhisayaana waa Fiinish haysta dhalashada Filand.
Arrinta Mihiimka ahi waa in uu fahmaa in aan cidina Sanka Caano ka keenayn, sharcina cidi ku tumaynay talaabooyinka la marayna ay yihiin talaabooyin sharci waxaana taas cadayn ugu filan xildhibaanada Xisbiga Waddani, kuwa Ucid iyo Kuwa Kulmiye waxa ay ku midoobeen waa Masalo sharci ah, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladuna wuxuu garwaaqsaday Sharci ku taagnaanta Xildhibaanada oo arrinta Maxkamada Dastuuriga ah ku jirta wuu ayiday.
Saaxiibkay waxaan leeyahay Kartidaada ayaa lagaaga baahan yahay in aad Xisbigu in uu kaalintiisa Xisbinimo xejisto ku soo saarto ee hadal tiro looma baahna.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker