Oodweyne News - Latest Somali News Update

Bililiqaysiga murtidii 1880dii : Ma Aadan Galaydh Iyo Boos Cawr baa lahaa mise Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar, waa suaal u taal Jaale Idaajaa.

salaamu calaykum
Maqaalkani waa diraasad dheer oon Ku cadaynayo sida wasiiradii burubagaandada kacaanka u qaabilsanaa dhanka taariikh da iyo suugaanta murtiday biliiliqaysateen mid aanu dadkuba badankood maqal ba.
Idaajaa oo kibirka wuxu Ku jecelaaday la aqoon oo mar kaste ninka kibra sumada qisada magaciisa Ku sunta  ama atoor ka qisadaba ka dhigo. Sida  Aadan Galaydh ama Mataan ciideed oo labduba kibir ku dhinteen murtida na atmy leeyiin ragay is qabteen. Labada qisadood ba waxay ahayd in lagu sunto Boos Cawr iyo Nuur Jiir oo ka aarasaday Aadan Galaydh iyo Mataan Ciideed. Idaajaa had iyo Jeer wuxu atooraa ka dhigaa nacaska kibra ee aakhirka la dilo doono.  Malaa kibir ka ayaabu u yaqaanaa raganino.
Hadaan qisadan Boos Cawr u soo laabto, waxay u eegtay in qisadii Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar oo Habar Yoonis ahaa in Lagu qurxiyey qisadaas dhulbahante dhex martay.
Qisada aarsiga Jaamac Amuume waxay dhacday 1879-1880 oo ay is dileen reer Sugulle dhexdooda.
Waxa mag isku qabtay suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji Axmed Sugulle oo adeer ugu toosan Xirsi. Waxa is dilay laba wiil ay dhaleen , ina Xirsi Amaan ayaa kow kaga siiyey ina Guuleed Xaaji.
Guuleed oo nin xikmad badnaa oo maahmaahyo badan maanta Laga dhaxlay sida;
1- ceel biyo leh ma foga, uu ula jeedo wax lagama maarmaan ka ah waa kugu qasab meel kaste ha jireene. Oo hadii biyo aad waydo oo lagugu sheego ceel xamar adoo hargaysa joogaa waad ku qasbsntay.
2- naag taad barataaba b’an. Dumar ka mid kaste dhib gaar ah aysy leeday
Guleed baa suldaan Xirsi ku yidhi:
Wiil laana qaadan maayo tol l’aana ma rabo.
Wuxu ula jeeday wiilkaygii mag l’aan kaga samri maayo, hadaad diidaana waa dagaal laysku jabo oo tolku dhinto oo waa ii Tol la’aan.
Suldaan Xirsi Amaan oo kibirsan baa Ku jawaabay ma wiilkaygii oo dhaawac ah ayaad weliba mag bixi ila timi.
Guuleed baa yidhi waar reer sugulle idilkooda waxba ku heli maysaane kala daaya.
Xirsi baa yidhi waar raga hayga bajin, intu weliba kacay ayuu yidhi iga wala waatay labadeena noqon.
Markii lagu kala kacay ayuu wiilkiisii yidhi aabo Guuleed waa kaaga gar joogaa. Xirsi baa Ku yidhi ” cabanas ma uurkii hooyadii baa lagu ciilay.”
Dagaalkii baa qarxay , oo Xirsi Amaan oo Ba Awal ah iyo Guuleed oo baho sugulle ah baa is labadoodi jilib dagaalameen. Waxa dagaalkii ugu horeyey ku jabay Ba Awal suldaan Xirsi na dagaalkii lagu dilay iyo rag culus. Goobtaas waxa la odhan jiray Lebi Cawl.
Gabadh ninkeedii lagu dilay dagaalkaas hore ee Lebi Cawal baa inankeeda Ku guubaabinaysa inu aabihii iyo Xirsi Amaan iyo rag kale u aaro. Gabadhaas ma ahayn beesha HY, oo wagaas HY dhexdooda iskmay guursan jirin oo waa talooyinku kaga tagay suldaan Diiriye bay ka mid ahayd. Richard Burton baa buugiisii safarkii Seylac ku sheegay in asnay Habar Yoonis dhexdooda kala guursan.
Odayaasha qaar baa yidhaahda waxa dagaalkaas iyo dilkii suldaan Xirsi ka gabayday xaaskiisii Cawrala Ducaale Suldaan Guuleed oo Nuur Dhagacun walaashi ahayd. Waxay ku gabayday:
Calow gaydha waxa iigu wacan geeridaan gabay’e
Caawaba gelin dhexaadkaan hadba gogosha taabtaaye
Gamas baa ku dhacay aabahaa goraygii dheeraaye
Gacmo jeedlaow Warsamaey gudurii siiyeene
Gaashaan-cade Muxumed bay giringirsheen meele
Mohammed Golaxley dhigeen geedkii Lebi-Cawle
Xirsigi madaxa ahaa waa gawraceen gacal ha waayaane.
Abaanduulaa jilibka Guuleed Xaaji waxa u ahaa nin la odhan jiray Warsame Dhakaar ama Dakaar 3 nin oo walaalo ahaa ayuu maalintaas dilay oo Jaamac Amuume walaaladii ah , Jaamac waa Jaamac Xirsi ” Dhinbiil'” Yuusuf Suldaan Diiriye.  Markaas ayuu Warsame digasho raaciyey oo u yidhi ” islaantan goblamiyey Amuume awaaraha hakaga baxdo”.
Jaamac  wuxu ahaa 17 jir waanu cod yaraa sidaas darteed ayaa loogu biixiyey Amuume oo af Somali ahaan loo yaqaan qofka aanu hadalku ka soo bixin.
Jaamac ayaa warkii gaadhay iyo hadalkii yasida ahaa ee u warsame ku baanay inu islaanta wiilashii roona ka laayey Amuume na u reebay oo u baabah ka dhigay reerka.
Dagaaladii waa sii socdeen se waxa si xun looga adkaaday Ba Awal oo ah laba jilib ay dhashay gabadh Ciise Muuse ahyd halka Baho Sugulle yihiin 6 is bahaystay.
Waa la dhex galay oo Guuleed Xaaji iyo Warsame oo baho Sugulle ah ayaa mag lagu xukumay intii dheeraadka ahayd ragay kala dileen. Waxa la yidhihaadaa waxa ka mid ahaa ragii gartaas reer Sugulle gabayaa , abaandule iyo garyaqaan Kite Fiqi oo Habar Jeclo ahaa.  Baho sugulle ayaa mag lagu xukumay , Warsame ayaa markii qeybtii magta loo doontay kibir ku yidhi erigadii ” geela fulaa hala bixiyo ”  anigu hal bixin maayee.
Ina Xirsi Amaan ayaa marku xaalku halkaas marayo , Warsame na diiday nabadii. Ayaa gabay ku tiriyey inaan nabadi jirayn ilaa u aabihii Xirsi u aaro jooga faraskiis ugu aaro.
Waxa ninkaas la odhan jiray Bookh Xirsi Amaan , oo waxa dhashay gabadh Carab ah oo suldaan Xirsi Amaan Bulxaar mar u weeraray magaalada Carab kii timirta keeni jiray oo maalqabeen ahaa reer Suur ( Cumasn ka mid ah masnta) ah lagula taliyey si ay u badbaado Bulxaar iyo ganacsigiisu ba inu suldaan Xirsi siiyo inantiisa Xafsa. Colkaas dooxada Weehaan Xirsi dhigayna Magaalada soo galin.. Sidaas ayuu Carab kii reer Suur Xasan  Al Yaafici , Xasana ku siiyey suldaan Xirsi oo bah Carabo ayaa la yidhaahda maanta, ayadaa Bookh dhashay oo gabayaa ahaa. Wuxu Bookh yidhi.
Jidhkii ina Amaan iyo la waa jalanqayaashiiye
Jirid nimaan lahayn baa baqee taydu ii jarane
Hadii nabada jeelkeeda la helo waa anoon jirine
Jillow baan ahay haddi aabahay joogi lagu raadin.
Jaamac oo ka soo jeeda dhanka Suldaan Xirsi Amaan ayaa ku tashaday ama inu Warsame ka aarsado ama u dagaalka ku dhinto. Mudo ka dib ayaa duulaan loo diyaar garoobay.
Jaamac oon aqoon warsame ayaa ragii waaweynaa waydiiyey dagaalka sideen Warsame raga uga gartaa.?
Nin baa ku yidhi hadaynu jabno waa ninka ugu horeeya ee inagu daba jira. Hadaynu guulaysano warsame waa ninka colkiisa u danbeeya .
Habeenkii ayuu Jaamac warankiisu iyo laba hooto wadaad asmo ugu akhriyey kuna yidhi ” yaanu siil kaa taaban” Subaxii ayuu faraskiisii Xamar heenseeyey. Dagaalkii la gal ayadoolaga soo laabtay. Jaamac baa yidhi warsame waan dilay. Markaas bay raggi waaweynaa qosleen oo mid yidhi waar Warsame oo bari colka ka dhex qawdhamaya baad arki doontaan.
Islaan baa la diray oo reerkii iyo kambal kii warsame soo eegtay. Waxay soo aragtay reer murugaysan iyo maryo dhiig leh oo geed ku wadhan. Warkii bay keentay in warsame dhintay. Oo Jaamac runtii ahayd.
Jaamac wuxu wariyay in faraskiisii dagaalka la galay oo faraskiisii warsame ka hadhin oo qoobabka hore Ku suul daaray warsame na faraskii la kufay isna warankii ku tumaatiyey.. warsame oo dhaawac xun gaadhay na faraskii isku tuuray oo u cararay. Waxa kale ee u gabayga ku sheegayaa jaamac inu ka ciil baxay AF xumadii warsame ku xaqiray.
Markaas ayuu Jaamac oo weligii gabyin ciil gabyayaa wuxu na tirinayaa tixdan cajiibka ah.
1-Col aloosan Xamarow haddii xalay la ugaanshay
2-Heensaha hadddaan kugu itibay goor aleyl dhexe ah
3-Indhaalaha haddaan kuu xidh-xidhay suuman la adkeeyay
4-Isha bari hadii loo kiciyo awrtii reer Sugule
5-Kuwii lays aqoon jiray haddii lagu ogaan duulay
6-Abaanduule Guuleed hadii ubaxa loo gooyay
7-Waa boqor agtiisa’e hadday “ililidii” yeedh’dhay
9-Usha Daba-xidh ooddiyo haddii laysu wada giijay
10-Eebada haddii laysku riday ilig-jartii hooto
11-Abdikayba intii hore hadaan dabo adeegaayay
12-Kolku ina qolyaeedkii sidii aarka nagu qayshay
13-Anigoo aqoon jirin haddii lay ogeysiiyay
14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay
15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye
16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo
17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay
18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay.
21-Alxamdu lilaa caawaba haddaan umalkii qaar reebay.
Labada qisadood waxa horsysay tan Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar. Oo Xirsi Amaan waxa la dilay 1879 kii,  suldaan kii ku xigay na wuxu ahaa wiilku adeerka u ahaa suldaan Nuur Axmed Amaan oo 1881 la caleemo saaray waana suldaankki waagi danbe daraawiish abaabulay masntana qudbigiisu ku yaal Taleex. Saladanada waxa ka lahaa ismaaciil Amasn de ismaaciil isagoon la caleemo saarin ayuu ku dhintay dagaal ogaadeen.
Dhacdadaas waxay ahayd dhacdo caan ah oo gabayada qaar waxa la qoray 1889 oo nin Talyaani ah qoray iyo nin Jarmal ah.  1889 kii ayuu Luigi Robecchi Bricchetti gabayga Jaamac Amuume iyo Bookh ku soo daabacay majalada Italian geographic society.. Paulitschke, Philipp oo Austrian ah isna qoray gabayada iyo dilka Xirsi 1885kii .
Hadaba in qisada Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar badhkeed lagu qurxiyey tan Boos cawar waxa u daliil ah dhowr arimood.
1- maahmaahda Xirsi inankiisa u adeegsaday ” cabanaa ma uurkii hooyadii baa lagu ciilay.
2- Jaamac 3 ay walaalo yihiin buu warsame dilay weedh xaqiraad ahna ku yasay Jaamac. Sidoo kale Boos isna walaaladii oo la dilay iyo Aadan Galaydh oo yasay.
3-  faraska Jaamac gabayga ayuu ku sheegayaa inu u ciidan galay faraskiisii , Boos se gabay lagama hayo sidu u caawayey faraskiisu oo isna la yidhaahdo faraskii Aadan Galaydh ayuu qoobabka ku sul daaray hadal buu ku sheegayaa. Jaamac se waa ka tuducyada Ku sheegayaa amaanta faraskiisa iyo sidu u booday marku amarka siiyey: waaka leh:
14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay
15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye
16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo
17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay
4- arinka yasida oo ay wadaagaan ta Boos inu ka ciil baxay xaqiraadii Aadan hadal ayuu ku sheegay. Se Jaamac gabayga ayuu ku sheegay tuduca 20 u fiirso. Oo waaka leh
18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay
21-Alxamdu lilaa caawaba haddaan umalkii qaar reebay.
5- warsame oo diiday magtii oo yidhi ” geela fulaa hala bixiyo ” iyo Aadan oo yidhi ” geelaan sumayda lahayn mag u qaata”.
Gabay iyo weedho inta badan nin wixiisa gabay Ku sheegta ayaa runta u dhow.
Idaajaa sheekada Aadan iyo Boos cidiii bartay waxay ku qurxiyeen qisadii Jaamac Amuume. Weliba arinka maahmaahda Xirsi Amaan iyo faraska iyo afxumada, intaas Jaamac baa laga biliiliqaystay.
Ninka Idaajaa horta isagu maba xishoodo oo waa nin u nool inu aduunka daarood baro. Sanadkii hore markay qaar iska litta hargaysa hor boodayeen isagoo ka jawaabaya eeda Daaroodism ka iyo u qaraabo kiilka suugaameed oo mar kaste 4.5 ka suugaanta isagu bilaabay 1974kii  reerkiisa siiyo 4 ka somalida kake na .5 u reebo.
Isagoo eedaas iska difaacaya  dadki hortooda sheekadii habartii tidhi Guuleed xaajow gurigaa b’a , ee Guleed kii laftiisi maqlay ayaduna aqoon ba ilay hadalka ayuun bay maqashay. Guuleed baa Ku yidhi islaantii ninka Guuleed eed habaaraysay maxuu ku dhimay mise ma taqaan . Ay Ku jawaabtay ma aqaan ee dadkuba waa lahaa Guuleed xaajow gurigaa b’a.
Sheekadaas oo cauurta Burco taqaan ayuu Idaajaa Hargaysa sheekadaa lafteedi uu yidhi habar baa tidhi reer siyaasadaw b’a oo  ( reer siyaad oo mareexaan ah) markii la yidhi reer siyaad maxay ku dhimeen waxay ku jawaabtay , dee dadkuba waa lahaa.
Wuxu sidaas badheedhka ah dhacdadaas u badalayaa jilibkiisa , waxana hor fadhiya qaar u ka mid yahay ninka Shaacir oo caashaq aan dawo lahayn u qaba Aw Jaamac iyo Idaajaa. Iyo laba nin oo la yidhaahdo midna Badal oo shaqo laga eryey kaga aarsabayey qoraa Guribarwaaqo iyo wiil la yidhaahdo Gamadiid oo marna Majeerteen amaana marna Al Shabaab.
Idajaa oo khibrad dheer u leh ilawshiyaa dhaw ee Isaaq wuu filan waayey sida loo hor boodayey. Wuxu is lahaa goobta waxa iman ragii yaqaanay nacaybkaaga iyo qabyaladaada.
Markiiba wuxu beer laxwstay baraarkii goobta joogay oo u yidhi dawladii Afweyne ayaa hargaysa u soo dirtay 1974 inu ururiyo gabayadii Qawadhan Ducasle iyo Faarax Nuur. Idaajaa abidkii 4 gabay barnaamijkiisa oo qawdhan leeyey kama sheegin daa suugaan u ururiyee.
Mid u ururiyo daayoo mid nasab cay iyo bahdilaad ah ayuu u alifaa. Duke Hargaysa yimi 1956 ayaa wuxu yidhi Nin reer hargaysa ah  ( Isaaq macnii ) maanso ku amaanay Ingiriis ka. Kuna gabyey:
Sidii habar dhali wayday
Ingiriis dhalaanaw
halkeenu kaa dhunkanaa .
45 sanadod ayuu Idaajaa iyo xulufadiisii Afweyne ku biili jiray inay taarikhda soomali iyo suugaanta ba lagu qeybiyo 4.5 , Daarood kuna helo 4 ka. Idaajaa .
Waraysi dhowr sanadod ah ayaa gabadh Hawiye ah waydisay suaal ay ahayd baraarku Ku helay hargaysa waydiiyaan. Oo ahay suugaanta beeshisa ayun baad sheegtaa oo ismaaciil mire iyo ina Cabdulle Xasan madhaaftid. Wuxu isagoo iska dhigaya nin suaasha jawabteeda odanayaa 4.5 siyasadii ayey naga kharibtee yaanay suugaanta inaga kharibin markaasu tirinayaa dhowr gabayaa dhulbahante ah isagoo Leh ayagaa u gabayaa badan, waa dhulbahante oo hadii Harti xataa la soo raaciyo maansada iyo gabayga ciidagale oo kaliya gaadhayn.
Kaas noocaas ah saw ma cada Inu qisadii Jaamac Amuume ku qurxsaday tii dhulbahante?  Ma xishoode Idaajaa oo waayey wax iska waabiya waxa u suurto gashay waxyaabo waalida qabyaaladu xataa gaadhin.
Waxa laga hayaa sheekh Cali Majeerteen baa Somali ugu horeeyey wax xajjka taga , Cali Majeerteen wuxu noolaa 1860. Waxa ka mid ah Raage Ugaas baa soomaali gabayada la hayo ugu fog kiisu , waa Raage Ugaas oo Muxumed Liibaan Jadeer iyo Aadan Axmed Dube Gabayxoog ba d’a weynaayeen kana midho cuslaa silsiladii dhex maray ayaga iyo Raage. Waxa ka mid ah Raage Ugass waxay. Dawladii Afweyne Iskool ugu magac dartsy Xamar wuxu ahaa ragii alanyada gabayga Somali alifay , Murtida soomali na u qeybiyey Tix Iyo Tiraab ( diiwanka dhawaan loo qoray Raage ayaa loo biixiyey) waxa kale ee Raage dusha ka saarteen inu ahaa ninka ” hoyaalayeey hooy* gabayga Somali hordhac ugu dhigay..
Ninkaas ayaa Hargaysa Ku casuumeen Shaacir iyo wajiyo xunta suugaanyahan ama taariikh yahan isku sheega , Idaajaa na Ku qaban waayey cuqabooyinkii taarikhda laga galay waliba ta reerka SL u badan oo si kaste loola dagaalamayey.
Waxan filayaa jaale Idaajaayaw Inu Raage Ugaas   ” hoyaalayeey hoyaalayeey hooy” xataa gaadhsiyey Masai da Tanzania . ?
https://youtu.be/0lUQFT4zVWk
Cahaladaasi waa dhaliin yaro Masai ah oo heesahooda tirinaya, ilaa 3 jeer ayay qeyb kaste Ku gabagabaynayaan ” hoyaalayeey hoyaalayeey hooy*
Idaajaayaw waxan kugu gabagabaynayaa diraasadan aan Ku cadeeyey in qisadii Jaamac Amuume biliiliqaysateen , wax kaste ood 45 sanadod ka been sheegteen Somalina isku dileen in sidaas hawsha yar hangool suugaanta iyo taariikh da laga dhicin karo horarada boobaya sidaada.
Iga gunud idaajaayaw teydu waa kaa gun dheertahaye.
Rashid Jaamac
kayse78@hotmail.com