Booliska Kenya oo dilay Aabe iyo Caruurtiisii oo ay uga shakiyeen Alshabaab

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xalay howlgal ka fuliyay guri kuyaala deegaanka Kwale ee ku dhaw magaalada Mombasa , waxa ayna booliisku howlgalkaasi ku dileen Aabe iyo labo caruur ah oo  uu dhalay.

 

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in booliiska xalay galeen guri looga shakiyay in uu ku sugnaa nin Al Shabaab xidhiidha la leh, waxaana booliiska markii gurigaasi tageen is difaacid kala kulmeen ninka la weeraray oo magaciisa lagu sheegay Mohamed Mapenzi.

 

Wargeyska Dailynation ayaa qoray in booliiska lagu soo tuuray bambaano markii damceen in ay galaan guriga kuyaala deegaanka Kwale, wargeyska ayaana xusay in booliiska dileen Mohamed Mapenzi iyo labo kamid ah caruurtiisa uu gabaad ka dhigtay.

 

 

Booliiska dalka Kenya ayaa sidoo kale dhaawacay xaaska ninka ay dileen iyo sadex caruur ah uu dhalay kuwaa oo hada lagu daweenayo isbitaal gaar ah, waxa ay sidoo kale booliiska horey u qaateen meydka ninka ay dileen.

 

 

Ninkan la toogtay ayaa booliiska dalka Kenya ku tuhmeen falal argagaxiso gaar ahaan in uu xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab ee weerarada ka fulisa gudaha Kenya, waxa ayna saaakiisha booliiska sheegeen in ninkan la toogtay baaritaano ku sameenayaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker