Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dajiyey Qorshihii uu markale Beesha Bariga Burco ugu Gacangelin Lahaa Xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay inuu dajiyey qorshihii uu markale beesha bariga Burco ugu gacangelin lahaa xisbiga la kala dhaxlo ee Kulmiye.

inkasta oo aanu jirin war ka soo baxay xisbiga iyo madaxtooyadaba balse Warar hordhac oo laga helayo talaabada Muuse Biixi qaaday ayaa sheegaya inuu u yeedhay guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Giirre, kuwaas oo uu u bandhigay qorshaha uu ku doonayo inuu ku wareejiyo Xisbiga Kulmiye.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu labadan masuul u soo jeediyey in ay ka shaqeeyaan sidii loo keeni lahaa cidii ka soo jeeda beeshooda ee ka dhaxli lahayd xisbiga Kulmiye, waxaanu ka codsaday inay u keenaan masuul deegaankoodu isku raacsan yahay oo hogaanka xisbiga loo dhiibo.

gudoomiye Saleebaan iyo gudoomiye ku xigeen Siciid ayey wararku sheegayaan inay hawsha isku dhaafiyeen 10 xildhibaan oo ay isku deegaan yihiin kana tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiilada kuwaas oo ka shaqayn doona hawsha Muuse codsaday.

ilaa hada lama oga cida ay beesha bariga Burco u geyn doonto Muuse Biixi si uu xisbiga ugu wareejiyo balse Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi ayaa safka hore ku jira xubnaha la rajaynayo.

Abdirizak Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker