Idaacaddii Ku hadli jirtay Afka Alshabaab oo la Duqeeyay

Warrarka laga helayo Soomaaliya ayaa shaageya in duqeyn xagga cirka ah xalay makhribkii lagu qaaday xarunta idaacadda Alshabaab ee Al-Andalus ee degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida laga soo xigtay boggaga internet ka ee taageera Alshabaab duqeyntaas waxa ku dhaawacmay sedex qof oo rayid ah oo joogay guri ku dhegan dhismaha idacaadda iyadoo uu burbur weynna gaaray idaacadda.

Duqeynta ayaa la rumeysan yahay inay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drons-ka.

Illaa hadda ma jiro wax warra oo ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee loo yaqaano Africom oo weerrarda noocaan ah Soomaaliya ka fulinayay dhawrkii sanno ee la soo dhaafay.

Sidoo kale dawladda federaalku wali kama hadlin duqeynta Kuntuwaarey.

 

Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarrada uu Soomaaliya ka fuliyo tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Dobald Trump qabtay xilka madaxweynaha.

Sanadkii ugu horreeyay ee madaxweynenimada Trump ee 2017-kii waxay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen 27 weerar oo lagu beegsanayay fariisimaha al-shabaab iyo xubnaha xururkaas.

Iyadoo Mareykanku ay sare u qaadeen duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ayaa su’aal la iska weydiinayaa sida ay weerarradaas u wiiqi karaan awoodda ay leedahay kooxda.

Dhanka kale, Mareykanka waxay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, iyagoo tababarro iyo talooyin siiya ciidamada milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadashaqeyn la leeyihiin kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, Soomaaliyana ku tagay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayuu madaxweyne Donald Trump saxiixay wareegto uu ku kordhinayay xilliga ay ciidamada Mareykanka howlgallada gaarka ah u joogayaan Soomaaliya, isagoo ku daray hal sano oo kale.

Hase yeeshee, iyadoo laga yaabo in muddo kordhintaas ay ahayd tii ugu dambeysay, haddana saraakiisha difaaca ee Mareykanka waxay sheegeen in howlgalka Soomaaliya uu qaadan karo sannado kale.

In ka badan saddex sano ayey koox Mareykan ah oo howlgal khaas ah loogu talagalay ku sugan yihiin Soomaaliya. Shaqada ugu badan ee ay hayaan waa inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker