Siday Noqonkartaa Xaalada Ethiopia iyo Masar Haddii ay Guuldaraystaan Wada Xaajoodyada u Socda Wadamadaas

Maxaa Dhici Kara Haddii Sudan, Masar iyo Itoobiya Ku Heshiin Waayaan Biyoxidheenka?

Waxa la hakiyey wareegii u dambeeyey ee wadaxaajoodka u dhexeeyey Masar, Itoobiya iyo Sudan ee ku saabsanayaa hawl galka biyo-xidheenka
ay Itoobiya ka dhisayso webig Niil. Arintaasi waxay daba socotay iyadoo badhtamihii bishii Juulaay ay masuuliyiin Itoobiyaan ahi shaaciyeen in la gaadhay yoolkii sannadka.

 

koobaad ee buuxinta harada biyoxidheenka iyada oo aan wax heshiis ahweli la gaadhin. Tallaabadaas oo ay Qaahira iyo Khartuum ku tilmaameen
mid dhinac keligii ku dhaqaaqay oo aan la aqbali karin.

Wadaxaajoodka maxaa laga filayey?

 

Tan iyo bilowgii wadahadallada ku saabsan arintani markii uu bilaabmay dhismaha biyoxidheenku sannadkii 2011, waxay Masar iyo Sudan
dalbanayeen in la gaadho heshiis dabar sharci leh oo buuxa, kaas oo ay ku jiraan qodobo qeexaya badbaadada biyoxidheenka iyo sidoo kale
xaddiga biyaha ah ee lagu weecinayo haradiisa xilliyada abaaraha iyo sidoo kale qaabka uu u hawlgeli doono. Waxa intaa dheeraa oo ay
dalbanayeen in la helo hab lagu xalin karo khilaafaadka soo baxa iyo  sidoo kale in loo dhigo si ku haboon qaabka iskaashi ee lagu gaadhi karo
himilooyinka shacabka saddexda dal.

 

Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda ku adkaysanaysay in marka hore la saxeexo habka loo buuxinayo harada biyoxidheenka maadaama oo
qaabka hawlgalkiisa hadii wax laga tawdo mustaqbalka codsi ka yimaad dalalkaa wax lagaga bedeli karo iyada oo aan marka horeba lagu xidhin
shuruuddaha Masar iyo Sudan wataan. Sidoo kale Itoobiya waxay diiday in la xadido xadiga biyaha lagu weecinayo harada biyoxidheenka marka
la dhamaystiro buuxinteeda ee uu hawl galo biyoxidheenku.

 

Xagga mudada lagu buuxinayo harada biyoxidheenka, Masar waxay qabtaa in aanay ka yaraan todoba sannadood oo waliba biyaha lagu
weeciyo uun harada marka ay daadadka waaweyni soo rogmadaan oo keliya, halka Itoobiya ay iyadu qabto in lagu buuxiyo harada muddo afar
sanadood ah oo aan wixii intaa ka dambeeyna biyaha lagaba joojin.

 

Marar badan ayay saddexda dal ku heshiin waayeen in ay xaliyaan murankan taagan, markii ugu dambaysana waa wadaxaajoodkii Midowga
Afrika bishii hore ee Juulaay dhexdhexaadinayey.  Maxaa dhici doona hadii Itoobiya ku adkaysato
in ay 4 sano ku buuxiso harada?

Hadii mudada lagu buuxinayo harada biyoxidheenku yaraato waxa badanaysa saamaynta taban ee ay arintaasi ku yeelanayso Masar iyo
Sudan. Laakiin sida uu sheegay Dr Ayman Shabaana, oo ah khabiir ku takhasusay arimaha biyaha, in 4 sano lagu buuxiyo harada
biyoxidheenku waxay ka dhigantahay in ay qiyaastii 12 milyan oo mitir  saddex jibbaaran ay ka go’aan xadiga biyaha ee Masar haatan hesho
sannadkii, Sudan na duruuf taas oo kale ah ayaa qabsan doonta.

 

Sidoo kale waxa qalali doona 25% dhul beereedka Masar,waxaanay arintaasi keeni doonta hoos u dhac ku yimaad wax soo saarta cuntada ee
dalkaas oo Masar waxay ku qasbanaan doontaa in ay cunto badan oo dheeraad ah soo waaridato. Waxa kordhi doona shaqo la’aan ku habsata
beeralayda. Sidoo kale waxa hoos u dhici doonta tayada carrada dhulbeereedka Masar.

 

Waxa kale oo ay arintaasi saamayn taban ku yeelan doontaa kalluumaysiga iyo quwadda laydh tiriigga ee laga dhaliyo
biyoxidheenka Aswaan oo is dhimi doonta 50%.

In kasta oo aan saamaynta ka dhalatay xaddiga durba sannadkii koobaad lagu leexiyey harada aad loo dareemayn, waxa hadana cad in durba
Sudan laga dareemay hoos u dhac biyaha iyo korontada ah. Sannadka labaad se saamaynta ay arintaasi ku yeelanayso labada dal intaa way kasii badan doontaa.

 

Hadii wadahadalladu fashilmaan maxaa dhici
doona?

 

Hadii ay guul darraystaan wada xaajoodyadan socdaa, waxa Midowga Afrika la soo gudboonaan doona laba mid kood. Waa ta koobaad e in uu
arinta u gudbiyo gudiyada gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimahaas oo kale si ay u sii wadaan dedaalka wadaxaajoodka midho
dhal lagaga doonayo. Sida gudida nabadda iyo nabadgelyada amagudida khubarada, sida uu qabo Dr Ayman Shabaane na waxay arintaasi
dhib ku noqon doontaa Masar iyo Suudaan oo ay “wakhtiga ka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker