Sidee Ayey Somaliland Ugu Guuleysatay Arrin Culus Oo Ay Awoodi Waayeen Soomaaliya, Mareykanka, Turkey, Kenya Iyo Dalka Itoobiya?

Faallo dheer oo uu Khabiirka caanka ah ee Michael Horton oo ka tirsan machadka daraasaadka iyo taxliilinta siyaasadeed ee Jamestown Foundation ka qoray xaaladda amni ee Somaliland iyo sida ay uga guulaysatay kooxaha qaswadayaasha ah ee ka hawl gala Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayuu ku sheegay Arrimaha Somaliland u suurto galiyay in ay ka adkaato kooxaha nabad-galyada halista ku ah ee ay u tag waayeen dalalka waaweyn ee Maraykanka, Turkiga iyo waddamo badani ka mid yihiin balse dhinaca Somaliland qiimo jaban lagaga adkaaday.

Warbixintaasi oo lagu baahiyay warbaahinta dunida ayaa u dhignayd sidan: “Goobaha ay Al-Shabaab ka howlgalaan ee Soomaaliya ayaa kordhay, xilli ay weli socdaan weeraradda drone-ka Maraykanka ee Soomaaliya. Inkastoo ay Al-Shabaab ay wiiqeen Maraykanka iyo Midowga Africa, haddana awoodda Al-Shabaab ay u leeyihiin in ay qorsheeyaan islamarkaana ay qaadaan weerarro ka dhan ah dhinacyadda kasoo horjeeda waa khatar weyn oo dhameystiran, Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa ku guul darraystay in ay dhul ka helaan Somaliland. Taas bedelkeeda, Al-Shabaab iyo Daacish waxay si fudud uga howlgalaan Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo deris la ah Somaliland.

Miisaniyadda militariga Somaliland waxaa ay u muuqataa xisaab qaldantay markii la bar-bar dhigo waxa ay beesha Caalamku Soomaaliya ku bixiyaan. Somaliland kuma tiirsana ciidan shisheeye Maraykankuna ma ogola in uu weerarro diyaaradeed ka fuliyo jamhuuriyad aan la aqoonsaneyn.

Somaliland oo khayraadkeedu xaddidan yahay waxay ku guuleysatay wax ay awoodi waayeen militariga Dowladda federaalka, Mareykanka, Turkiga, Kenya iyo Ethiopia oo ah inay ku guuleystaan Al-Shabaabka Koonfurta Soomaaliya. Somaliland waxay diiday in Al-Shabaab ay soo cago dhigto deeganadeeda.

Sidee Somaliland Sidan Ugu Guuleysatay?

Ugu horeyn, Somaliland waxay leedahay Dowlad ka jawaabta baahida muwadiniinteeda. Taasi waxay keentay in iyadoo ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed, haddana ay dadka Somaliland taageeraan islamarkaana aaminaan wakiillada ay doorteen iyo madaxtooyadooda. Mar labaad, istiraatiijiyadda aragagixiso la dirika Somaliland waxa ay ku dhisan tahay Sirdoonka Shacabka. Sirdoonka Shacabka oo saxan islamarkaana waqtigiisa kusoo beegma ayaa ogolaanaya in laga jawaabo khataraha kusoo dhowaanaya iyada oo laga faa’iideysanayo xidhiidhka tooska ah iyo midka aan tooska ahayn ee militariga Somaliland iyo sirdoonka kala dhexeeya bulshooyinka u nugul Al-Shabaab. Taageeradda maxaliga ah iyo ka qayb qaatayaaasha dadaaladda argagixiso la dirirka ayaa qayb muhiim ah ka ah dagaalka Somaliland ay kula jirto Al-Shabaab. Taas la’aanteed dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dhex geli lahaayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka nugul, waxayna ka sameysan lahaayeen saldhiyo waara balse taasi ma dhicin oo Somaliland waxa ay ilaashatay dhulkeeda magaalo iyo Miyiba. Awooda ay Al-Shabaab u leeyihiin in ay bulshooyinka dhex galaan waxay ku caddahay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay. Ka sokoow xeeladaha halista ah iyo fikradooda ay dadka Soomaaliyeed waayo jooga u yihiin, Al-Shabaab waxay heystaan taageero dhab ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale adeegsadaan xidhiidhkooda sirdoonka iyo amniga, ee Amniyaatka loo yaqaano oo dila dadka kasoo horjeeda. Si la mid ah ururada argagixisadda ee guuleystay, Al-Shabaab waxay fahamsanyihiin in xidhiidhka ay la leeyihiin madaxda bulshadda iyo garaadka dadka ay muhiim u yihiin.

Kuwa masuulka ka ah militariga iyo sirdoonka Somaliland waxay sidoo kale fahamsanyihiin muhiimadda uu leeyahay Sirdoonka Shacabka. Waa fahamkaas waxa sahlaya inta badan dadaaladooda argagixiso la dirirka islamarkaana militari iyo boolis aan la maal gelin u ogolaaday in ay Al-Shabaab ka guuleystaan.

Sirdoonka, militariga iyo boolika Somaliland waxay leeyihiin saraakiil sirdoon oo ahmiyadda koowaad siiya dadaaladda ay bulshadu horseedka ka yihiin si ay ula socdaan una qiimeeyaan khataraha jiri kara ee Al-Shabaab. Waxaanay Somaliland nooqtay goob nabadgalyo oo muhiim ah oo ay dadkeeda iyo dawladeeduba ku naaloonayaan wax wada qabsi iyo nabadgalyo hareeraha laga joogo. Akhbaarta ku saabsan dadka dhowaan soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo dhaqanka aan la aqbali karin waxaa loo gudbiyaa cidda amarka ugu sameysa ee gobolka ama caasimadaha ama ilaa qaranka ee caasimadda Hargeysa. Jawaabta ay booliiska iyo militarigu ka bixiyaan khataraha waa sax waana mid waqtiga loo baahanyahay kusoo beeganta waxaana loogu talo galay goob gaar ah ee khatartaas ka jirto.

Jawaabta noocaas waxaa lasoo bandhigay dabayaaqadii sanadkii 2019-kii markii ay Al-Shabaab galeen gobolka Sanaag ee bariga Somaliland. Sanaag waxa uu xuduud la wadaagaa Puntland waxaana mid ka mid ah gobolladda ugu horumarka liita Somaliland, waxaana uu u nugul yahay in ay Al-Shabaab dhex galaan. Gobolku waxaa uu leeyahay dhul ka sameysan dhagaxyo, meelo biyo leh ah, buuraley iyo dhul xeebeed dheer taasi oo soo jiidaneysa Al-Shabaab balse kooxaha Argagixisadu waa ay ku guul darraysteen in ay gobolkaasi degaan waxaana ka digtoon Somaliland.

November 2019, Al-Shabaab waxay dagaalamayaal soo geliyeen islamarkaana si degdeg ah u qabsadeen laba magaalo oo ku taala buuraleyda Garof iyagoo kasoo galay dhanka Puntland. Saacado gudahood, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga Somaliland ayaa abaabulay in ay jawaab ka bixiyaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Ilaa iyo maanta Al-Shabaab kuma aanay soo laaban dhulkaas.

Ciidanka militariga Somaliland ma heystaan diyaarado, xitaa gaadiidka xamuulka ah waa uu ku yaryahay. Dowladdu waxay ku halgameeysaa sidii ay ciidanka u geyn lahayd meelaha looga baahanyahay, gaar ahaan meelaha wadooyinkoodu liitaan. Hase yeeshee sirdoon shacab oo heerkiisu sarreeyo iyo xidhiidhka dhow ee u dhaxeeya hogaamiyayaasha bulshada iyo dowladda ayaa kabaya naaquska ka imanaya dhanka ciidamada. Si loo kabo gaabiska haysta ciidanka, dowladda Somaliland waxay isku halleysaa xidhiidhka kala dhaxeeya dadweynaha. Tani waa mid ka mid ah sababaha ay Al-Shabaab uga howlgali la’dahay Somaliland

Iyada oo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kenya, Ethiopia iyo xitaa saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya haddana waa ay cago dhigi la’yihin Soomaaliland. Laga yaabo in dhammaan dowladaha kale ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay wax badan ka baran karaan dadaallada argagixiso la dirirka ee Somaliland.

Faalladan waxaa qoray Michael Horton oo ka tirsan machadka daraasaadka iyo taxliilinta siyaasadeed ee Jamestown Foundation.

 

Waxaa tarjumay Maxamed Axmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker