Madaxwayne Muuse Biixi Maxaa Uga Meel Yaala Xukuumadda Maqaar Saarka Ah Ee Soomaaliya? ????

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland,
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Maxaa Uga Meel Yaala Faro Gelinta Ay Ku Hayaan Xukuumadda Maqaar Saarka Ah Ee Uu Madaxwaynaha Ka Yahay Mudane Muxammad Cabdullaahi Farmaajo, Ee Aan Cagaha Ku Taagnayn Ee Gacan Ku Rimiska Ah Ee Haysata Aqoonsi Faalso Ah Ama Dhalanteed Ah????!!!!,
Madaxwayne Muuse Biixi Faro Gelinta Xukuumadda Taagta Daran Ee Farmaajo Ay Magacaabayso Shaqsiyaad Ka Soo Jeeda Jamhuuriyadda Somaliland Yadoo Muddo 28 Sano Ah Somaliland Iyo Soomaaliya Ay Kala Ahaayeen Laba Wadan Oo Kala Madax Banaan, Dhinaca Xukuumadaha, Barlamaanka, Lacagta, Calanka, Ciidamadda, Doorashooyinka, Siyaasadda Iyo Xuduudaha, Somalilandna Ay Doonayso Inay Soomaaliya Kala Noqdaan Laba Wadan Oo Caalamku Aqoonsan Yahay Oo Wadaaga Dhinaca Diinta, Dhalashada, Dhiiga, Ganacsiga, Isu Gudubka Labadda Shacab Iyo Laba Xuduud Oo  Caalamiya!!!!!!!!!!!!, Madaxwayne Muuse Biixi Maxaa Ka Hor Taagan Inuu Magacaabo Safiirka Somaliland U Fadhiyi Doona Wadanka Soomaaliya Caasimaddiisa Muqdisho????!!!!!.
Xukuumadda Muuse Biixi Sidee Ayey Isu Qabanaysaa Inay Xukuumadda Maqaar Saarka Ah Ee Farmaajo Ay Kula Jirto Dagaal Hubaysan, Dagaal Siyaasadeed, Dagaal Dhaqaale, Jamhuuriyadda Somaliland, Shaqsiyaad Ka Soo Jeeda Somaliland Waxaan U Magacaabayaa Safiiro, Taliyayaal Ciidam,  Wada Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Diyaar Ayaanu U Nahay???????!!!!!!!.
Xukuumadda Farmaajo Waxay Magacoowday Safiirka Soomaaliya U Fadhiyi Doona Wadanka Kuwait Ama Kuwayt ?? Mudane Cabdullaahi Muxammad Odowaa, Waxaa Kaloo Xigi Doona Wadamadda Kale Ee Somaliland Xidhiidhka Wanaagsan Ay La Leedahay Inay Xukuumadda Maqaar Saarka Ah Ee Farmaajo Ay Magacaabi Doonto Shaqsiyaad Miisaan Ku Leh Somaliland, Haddaanay Xukuumadda Muuse Biixi Aanay La Iman Qorshe Siyaasadeed Cad Oo Miisaankeeda Leh Is Bedel Wayna Lagu Sameeyo Dhamaan Safiiradda Somaliland, Xukuumadda Muuse Biixina Ay La Timaado Isku Shaandhayn Balaadhan Oo Mug Iyo Miisaan Leh Oo Tobanka Wasaaradood Ee Ugu Miisaanka Wayn, Gudoomiyaha Guurtida, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Taliyaha Milateriga, Taliyaha Booliska Loo Magacaabo Beelaha Ciise, Samaroon, Gabooye, Dhulbahante, Warsangeli Insha Allaah!!!!!!!!!!!.
Xukuumadda Muuse Biixi Haddii Uu Ku Dhiirado Saami Qaybsi Wayn Oo Weliba Loo Sadburiyey Beelaha Darafyadda Waxaa La Helayaa Somaliland Oo Isku Duuban Iyo Somaliland La Wada Leeyahay Insha Allaah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker