Awood-raadsata.

Waxa JSL ka jira duul odoyaal ku sheeg ah oo run’ahaantii wax-mógayaal ahoo aan kolnaba soo baran cidina aanay usheegin in doorashada dimqraadiga ahi ay ku salasan tahay oo keliya qaabka loo yaqaan tirinta qofka iyo cod-kiisa oo aanay ku qotomin awood-qaybsad ay qolo tira-yari ku hesho adeegsad ay qoladaasi adeegsato hab aan dimqraadi ahayn oo awood-bob ah oo salka ku haya reer-nimo iyo qolonimo amase guutanimo. Doorashada/miirashada/xulashada dimuqraadiga ahi ma aqoonsana awood-qaybad ku salaysan qola-nimo (qola-qolo) ama kox-koox ama is-gaashaanbuursad ay duul is-gaashaan-bursadaan oo iyaga oo wada socda jagooyin ama xilal tala-hayn ah ku raadshaan. Doorashada dimqraadiga ahi waxay aqoonsan tahay qofka dal udhashay cod-kiisa ookeliya. Haddii ay qolo ama kooxi ku doodahayso inay cid kale ka tira-badan tahay dee waa in uunka/dadka/xubnaha kooxdaas ka tirsani qof-qof u codeeyaan oo ay codayntaas ku caddeeyaan inay cid kale ka tira badan yihiin sidaasna ay daw iyo gar tahay in kooxdaas tirada badatay ay la wareegto awood-da dalka inta ku siman xilli go’aansan oo ku yaal xeer-ka qaranka (dastuurka) ee lagu maamulo dalkaas amase geyigaas amase qarankaas..CAYNKAAS AWGEED WAA ARRIN DASTURKA DIMQRAADIGA AH EE JSL U YAALLA SI TOOS AH UGA SOO HORJEEDDA IN QOLO AMA KOOXI AY MAGACEEDA GUUD AWOODDA DALKA KU RAADISO IYADA OO QOLADAASI SI BAREER AH U JEBINAHAYSA BILAWGA DIMQRAADIGA AH EE DHIGAYA IN DOORASHAU KU SALAYSNAATO QOFKA IYO CODKIISA…. MAAHA QOKA IYO QOLADA UU KADHASAY… HADDII AY QOLO, CODEEN DABADEED NOQOTO QOLADA AMASE CIDDA TIRABADATAY, WAXA GAR IYO DAW AH IN AY HESHO XILALKA UDHIGMA TIRINTA CODADKA AY DADKU QOF-QOF UDHIIBTEEN.
 Qore: Saalax Cali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker