Xildhibaan Siciid Sokeeye Oo Si Beeniyey In Looga Yeedhay Xaruunta Ciidanka CID-da Ee Hargeysa

Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil (Siciid Sokeeye), oo ka ah Xildhibaannadda cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland Ee Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Uga Soo Baxay Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Si kulul u Beeniyey Warar been abuur ah oo ay qoreen Qaar ka mid Mareegaha maxaliga ah, Kaasoo nuxurkiisu ahaa Xildhibaan Siciid Sokeeye oo Galabta Looga Yeedhay Xaruunta Ciidanka CID ee Magaaladda Hargeysa si wax looga Waydiiyo Khudbaddii uu toddobaadkii Hore dhaliilaha ugu Jeediyey Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil Ayaa Sheegay in Aanay Warkaas waxba ka jirin, Isla-markaana uu gurigiisa Magaaladda Hargeysa joogo Isagoo Nabad qaba. Waxaanu Xildhibaanku yidhi Isagoo Amuurtan ka hadlaya “Wariye Wararkaa ay qoreen qaarka mid ah Warbaahintu, wax Alle wax ka jiraa ma jiraan, ma jirto Meel Anigoo ah Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil la iiga yeedhay, Haddana Waxaan joogaa oo aan kaala hadlayaa gurigayga Hargeysa, Aniga oo Nabad qaba. Ciddaa Wararka Been abuurka ah Bulshadda u gudbinaysa, Waxaan Leeyahay ka daaya Ummadda Beenta Aad u gudbinaysaan oo Ilaahay ka baqa”. Siddaas Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Sokeeye .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker