Haweenka ugu awoodda badan dunida W/Q: Mohamud Dahir

Majaladda Forbes ayaa soosaartay khamiistii 100-ka haween ah ee ugu awoodda/saamaynta badan caalamka sanaddan 2019-ka. Angela Merkel oo ah raysalwasaaraha Jamalka ayaa noqotay haweenayda ugu awoodda badan caalamka. Sidoo kale haweenaydan maamusha midowga Yurub ayaa kaalinta koobaad fadhida 9sano oo xiriir ah. 14kii sano ee u danbeeyay ayay kasoo muuqanaysay liistiga Forbes.

Kaalinta labaad waxa soo gashay Chriatine Lagarde oo horay u ahayd madaxa hay’adda lacagta aduunka ee IMF. Hadana ah gudoomiyaha bangiga dhexe ee midowga Yurub. Kaalinta saddexaad waxa kujirta Nancy Pelosi oo ah af-hayeenka baarlamaanka Maraykanka. Kaalinta afaraad waxa kujirta Ursula Vonder Layen oo ah gudoomiyaha gudida midowga Yurub.

Shanta u sarraysa waxaa buuxisay Marry Barra oo ah madaxa fulinta shirkadda baabuurta iyo agabkooda soosaarta ee General Motors. Sidoo kale kaalinta u danbaysa ee 100aad waxa gashay inanta aadka u da’da yar ee Greta Thunberg oo 16jir ah taaso noqotay shakhsigii ugu da’yaraa ee kasoo muuqda xulushada Forbes.

100-kan haweena ee aadka u samaynta/awoodda badan waxa ay kasoo muuqdeen lix qaybood oo kala duwan. 31kamida waa ganacsato, 22kamida waa kuwo siyaasadda kujira, 17kamida tiknoolajiyadda ayay ku jiraan, 12kamida maaliyadda iyo dhaqaalaha, 14kamida warbahinta iyo madadaallada, afarta soo hartayna waa deeqbixiyayaal!

Marka la isugeeyo boqolkoodaas haweena waxa ay maamulaan ama saamayn ku leeyihiin hanti kor u dhaafaysa $2.3Trillion. Sidoo kale waxa ka hoos shaqeeya 6.5Milyan oo shaqaale ah. Liistiga shan haweena ayaa ah wax muslimiin ah, shantoodaas saddex kamida waa ganacsato mid kamida habalahaas ayaa ah inantii u horeaysay ee shirkad (Bank) Sacuudiyaana madaxa fulinta ka noqota. Labada soo hartay waa kuwa siyaasadda kujira. Hal gabara ayaa afrika ah, iyaduna waa mid kamida shanta haweenka ah ee muslimiinta ah!

 

Waxa Turjumay Mohamud Dahir

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker