Ma is odhan kartaa Somaliland waxay noqotey shaadh cid kaliyihi tolotey ama ,is ama iska leedahay,ama is leekeysiisey? By geedi buux

Hadaan si kooban uga hadlo shaadhkii kaliga ku ahaa gobolada dhexe waxaad modaa iney ugu sii biirtey iney qabsadeen dalka niman cadhaysan oo ciilqaba oo ku soo caano maaley xumaatada,qabyaalada kala qoqobka shacabka,imikana waxaa bilaabantey iney dhaxdooda is dulmiyaan oo inkoobaney dalka khayraadkiisa ay wada qaadato ama ay gacanta ugu wada jirto.

Waxaan rabaa inaan ka hadlo oo aragtida maskaxdeyda aan ku eego arimaha maalinba maalinta ka danbeesa ku soo badanaaya JSL,waxaa aad u soo kordhaaya diidmada aad loo diidanyahay somaliland sida ay wax u socdaan,& saska gobolada galbeedku,bariguba ka qabaan JSL,kalsooni la,aanta ay ka qabaan dadkaasi.

Qaylada 20 labaatan jirsatey ee ka soo yeedheysa gobolada Awdal,Salal & Galbeedka Gabiley maaha mid la dhayalsankaro maahana mid la yaraysankaro,maahana mid sidaas lagu eegikaro,ee waa mid u baahan in awood qaybsi dhab ah la helo waana ta,ay adoonayaan shacabka gobolada galbeedku.

Hadaba haddii arintani wax laga qaban waayo waxaa la saadaalinkaraaba waa dadka oo isnaca,oo is aamini waaya kadibana ilaahay inagumakeene colaad lagu hoobto ayaa dhicikarta,sobobo lagaga hortegaayana lamahayo waayo?dawladani umaba soo jeedo iney dadka dalka wada leh ay isku soo dhawryso.

Qarankani dhicabuu u qaloocaa markaad eegto golaha wasiirada reerbaa tuushaya intii ugu muhiimsaneyd tiro & tayaba waa gobolada dhexe,taasina maaha mid dal lagu wada yeelan karo ama lagu wada dhisikaro.

Ciidanka Military ga qaranka JSL hadaad is tidhaahdo bal indhahaaga u jeedi waa kadar oo dibi dhal Darajadoodu 100%90 waa hal reer oo dusha iska saarey waxay jeclaayeen waana run qofkii rabaa ha,soo eego waxaa aan sheegayaa taasina maaha mid dal lagu wada yeelan karo ama lagu wada dhisikaro ,ama leysku aaminikaro.

Ciidanka police qaranka JSL isaguna waa lamid haduuna kabadarneyn waxaa maamula nin ka soo jeeda reeraha ugu yar beesha dhexe lkn markaad eegto siduu darajada u bixiyo 100%90 gobolada dhexe 100%10 gobolada darafyada isna waxaad modaa nin uqdadaysan oo ay xumaani ka buuxdo.

Hadaad isku wada gayso dadka u shaqeeya JSL meelkasta oo ay jogaan 100%95 waa gobolada dhexe 100%5 waa gobolada Darafyada taasina maaha mid ay aqbalayaan Darafyadu waana midii ku keeni lahayd somaliland dagaal sokeeye ilaahay ha,inagahayee.

 

 

By geedi buux 

Geedibuux111@hotmail.com

JSL  Fiqi-aaden 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker