Iran Oo Shaaciyey Qofka Ay Ku Tuhunsan Yihiin Weerarkii Nukliyeerka

Iran ayaa Sabtidii magacowday qof lagu tuhmayo weerarkii lagu qaaday xarunteeda nukliyeerka ee Natanz, kaasi oo waxyeeleeyey qaar ka mid ah sheybaarada, ayada oo sheegtay inuu dalka ka baxsaday “saacado ka hor” weerarka.

Taleefishinka dowladda ayaa magaca tuhmanaha ku sheegay Reza Karimi oo 43 jir ah. Waxa uu muujiyey sawir nooca baasaboorka ah ee qofkan, wuxuuna intaas ku daray inuu ku dhashay magaalada Kashan ee u dhow Natanz.

Warbixinta ayaa sidoo kale baahisay wax u muuqda “war-gelinta cas” ee booliska caalamiga ah ee Interpol oo lagu doonayo in lasoo xiro. Si kastaba, ogeysiiskan ayaan durba laga heli karin xog-dhigga Interpol. Interpol, oo fadhiggeedu yahay magaalada Lyon ee France, ayaa sidoo kale diiday inay ka hadasho.

Warbixinta TV-ga ayaa sheegtay in “tallaabooyin lagama maarmaan ah” ay socdaan si Karimi dib loogu soo celiyo Iran, ayada oo aan bixin sharaxaad.

“Wargelinta cas” ee la sheegay inay ka timid Interpol ayaa waxaa ku liis gareysan inuu horey ugu safray dalal ay ka mid yihiin Ethiopia, Kenya, Netherlands, Qatar, Romania, Turkey, Uganda iyo Imaaraadka Carabta.

Warbixinta sidoo kale ma sheegin sida ay Karimi ugu suurta-gashay inuu galo mid ka mid ah xarumaha ugu amni sugnaanta adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga.

Si kastaba, mas’uuliyiinta ayaa markii ugu horreysay qirtay in qarax uu ka dhacay xarunta. “Waxaa jiray qarax yar oo asiibay qeyb yar oo ka mid ah marinka korontada laga siiyo sheybaarka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker