Buurtii Foolatay, Ma Bakaylaay Dhashay? Qaybtii Toddobaad: Weli waa kala maan!

Nabad akhristayaal. Qaybtan toddobaad ee qormada waxaynnu isha ku biniinin doonnaa, halka ay kala taagnaayeen mowqif ahaan labadii dal ee shirka loo qabtay; marka la eego mucdii madasha loo yimid oo ahayd, wixii laga yeeli lahaa gooni -isu-taagga Somaliland iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa.
Wafdiga Somaliland waxay shirka u tageen lana tageen garnaqsi iyo iibgeynta qaddiyaddooda gooni-isu-taagga; wixii taasi ka hooseeyana waxay u arkayeen, licibsaqiir iyo shimbirayahow heesa! Waayo, waxay ka socdeen ummad distoorkeedu si cad sheegayo; in aan lagu gorgor tami karin madaxbannaanideeda! Markaasi, ii goo mooyiye ii garooc meesha uma oollin.

Dhinaca Soomaaliya haddii aynnu dhugano oo aynnu is nidhaahno madaxweyne Farmaajo xaqiisa siiya, wuxu sameeyey saddex arrimood oo aanay madaxdii ka horraysey ee Soomaaliya samayn jirin; marka ay shirarka Soomaaliya iyo Somaliland tegeyaan! Waxana ka mid ah tallaaabooyinka u qaaday oo aynnu odhan karno waa weji wacan (good gesture):

  1. Wuxu shirka u soo kaxaystay, madaxdii dawladiisa ugu sarraysey iyo guddoomiyhii Golaha shacabka.
  2. Wuxu wafdigiisa ka reebay dhammaanba xubnaha dawladdiisa ku jira ee reer Somaliland oo beryihii hore shirarka dhabqin jirey- reer Somalilandna dareen taban (negative) ah ka qabeen!
  3. Waxa kale oo uu iyagana wafdigiisa ka reebay, xubnaha dawladdiisa ku jira ee reer Somaliland dareenka taban ka qabaan. Sida, wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, jaalle Cawad iyo inta la halmaasha.

Waxase ayaan darro ahayd, in ay Soomaaliya shirka la timid qoondihii (agend)hii horaba uga socon waayey ee beerlaxowsiga ahaa ee walaalow. Murti soomaaliyeed baa waxay tidhaahdaa, ” Dhadhaarada oo la kala bedelaa, dheriga ma macaaneeyaan!”
Arrintaasi waxaynnu uga dan leenahay, in aanu qaabdhismeedka wafdigu wax laga bedelaa; waxtar la taaban karo lahayn; haddii aan qoondaha (agenda)ha wax laga bedelin! Haddii ay arrintu ahaato – sida ay imika tahay ee ah, muqadas muqadas ku taagna, waxa iska cad; in shirarka dambana aanay faa’iido lahayn ee ay arrintu tahay, ” I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis!”
Sidaa awgeed, waxaynnu leenahay:

Weli waa kala maan
Ninba kayn miranaayo
Malaxdoo ku jirtaa
Mililkii la dhayaa
Meermeer aan sal lahayniyo
Muraad baa la wataa
Halkaay maashu ku taal
Iyo mucdii baa la dedaa
Meel aan tiiba ahayn
iyo muran baa la rabaa!!

La soco qaybaha kale oo intan ka xiiso badan, taladana Eebbe u daa.

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker