Kulankii Maanta Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dib Loo Dhigay

Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta lagu waday inay yeeshaan xildhibaanada Soomaaliya, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa kulanka yeelan doonaa maalinta Arbacada ah.

Kulankaas ayaa la filayay in looga hadlo labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.

Sabtidii kulankii ay yeesheen xildhibaanada ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo guuldarro kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kii la iclaamiyay ee ahaa in lagaga hadlo cudurka Covid-19.

Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker