Nin Lagasoo Tarxiilay Dalka Maraykanka Oo Ku Dhintay Qarixii Shalay Ee Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya Qaraxyada ay Al-shabaab labeegsadaan goobaha dadka rayidku ah ay istcimaalaan, qaraxii maalintii shalay ka dhacay goobo ganacsi ayaa lagu tilmaamay qaraxii ugu dhimashada badnaa oo toddobaadkan ka dahaca caasimada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qof oo u badnaa dad shacab ah oo ka cunteeynayay maqaaxi ku dhaweyd goobta uu qaraxu ka dhacay.

 

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa Ahmed Salax Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaro laga soo tarxiilay xabsi ku yaalla gobolka Alabama ee wadankaasi Mareykanka, Kadib markii ay dawladda Soomaaliya ay sheegtay in ay amaankooda damaanad qaadayso,

 

”Axmed waxaanu isku baranay xabsi ku yaallo gobolka Alabama, halkaas oo aanu mudo sannad ah ugu xirnayn arrimo la xariira socdaalka, nin fiican oo xabiib ah ayuu ahaa, waxaan ku xasuustaa wuxuu noo ahaa Imaam intii xabsiga aanu ku jirnay”.

 

Axmed wuxuu markii hore ku noolaa dalka South-africa markii dilalkii ku bateen ayuu safar dheer u maray dalal badan oo ku yaala Latin Amerika si uu nabad galyo iyo nolol ugu raadsado Maraykanka oo ahayd meeshii uu ku haminayay” sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abwaan Khaliif Xayir oo muddo sannad ah xabsiga ay ku wada jireen.

 

Sidee buu Axmed dalka ugu soo laabtay intii aanu dhiman ka hor

Dawladda soomaaliya ayaa waqtiyadii danbe bilowday dadaallo ay ku doonayso in ay ku soo celiso dadka soomaaliyeed ee nabad galyada u raadsaday wadamada reer galbeedka.

Abwaan Khaliif oo ay xabsi ku wada xirnaayeen marxuum Axmed ayaa ka sheekaynaya xaalku sida uu noqday markii danbe.

 

”Axmed wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro badan oo ay soo raafeen masuuliyiintii waqtigaas joogtay safaaradda soomaalida ee Mareykanka iyo qunsuliyadda Soomaalida, marxuumku, muusan haysan warqadda noqoshada balse waxaa dalbatay safaarada ka dib markii ay Mareykanka u xaqiijiyeen in ay dhalin yaradan oo gadhaysay 2 kun oo qof, amaankooda ay damaanad qaadayaan marka dalkii lagu celiyo, maaha Axmed oo kaliya ee laba kamid ah waxey ku geeriyoodeen qaraxii Soobe ee Muqdisho”

 

 

Marxuum Axmed Salaax wuxuu ifka kaga tagay sida uu Khaliif sheegay hal xaas iyo labo carruur ah oo yaryar.

Maalmahan danbe waxaa dadweynaha ku nool magaalada Muqadishu ay cabsi ka qabaan ammaanka magaalada oo faraha ka sii baxaya iyo qaraxyada inta badan lala beegsanayo goobaha dadweynuhu ay isticmaalaan.

Marxuum Axmed Saalax Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker