Booliiska Somaliland oo xidhay Askarigii dilay AUN Ibraahim Cabdishakuur

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa xidhay Askari dil u geystay Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo Kulliyadda Injineerinka ka daraaseynayay Jaamacadda Camuud Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Maxamed Axmed Caalim Tiimbare Guddoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan maadaama maxkamadda awoodda u leh kiiskaan loo gudbinayo Askariga dilka u geystay Ardayga.

Laamaha ammaanka ayuu tilmaamay in ay ku wargeliyeen in baaris ay ku wadaan Askariga dilka geystay si ay u ogaadaan sababta ka dambeysay in uu toogto AUN Ibraahim Cabdishakuur Salaad.

“Nin Askari ah ayaa xabad uga dhacday Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday waxbarashadiisu wanaagsaneen oo sanadkii labaad dhiganayay Kulliyadda Injineeriyada, Marxuumka & Gacan ku dhiiglaha waxa ay kasoo wada jeedaan Bariga Sanaag” ayuu yidhi Guddoomiyaha Awdal.

Qaar kamid ah Ardaydii wax la baraneysay Ibraahim waxa ay sheegeen in Imtixaaanka ay soo wada galeen balse uu dib ugu laabtay Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker