Baroordiiq: Ahmed Sh Ibrahim Qaadi Sh Cumar Sh Madar ( Kennedy)

Inaa lilaahi wa inaa Ilaahu raajicuun. Maalinba qofbay ajashiisu gudhaa, marba qof qaali inagu ahaa ayaa laguu soo sheegaa in xaqii u yimid. Saaka waxu waagu iigu beryay geeridii saaxiibkay , walaalkey Axmed Kennedy, waa Axmed Sheekh Ibraahim (Qaadi) Sh Cumar Sheekh Madare. Waa Axmed Kennedy, waanu soo wada kornay, ilaa maantana asxaab dhow baanu ahayn. Axmed Alle ha u naxariistee noloshiisa oo dhan wuxu u soo huray qarankan barakaysan ee JSL. 16 jir buu ahaa maalintii tiirka loogu xidhay ee dilka lagu xukumay, xukuumadii kalitaliska ahayd ee berigii wadankii Somalia la isku odhan jiray baa kas iyo maan dil ugu xukuntay, si ay shacabka u cabsi galiso. Tiisaan galin, walow dhowr jeer go’dka u qodeen oo tiirka ku xidheen, tiisa ayayna ahayn, maanta ayayse noqotay tiisii oo dar Alle u iishay. Maalintaa ilaa maantana horumarka iyo wanaaga JSL ayuu u soo taagnaa. Waa nin taariikh badan ku lahaa qarankan JSL ayna muddan tahay  in dhalinyaradeenu ogaato.
Dhagaxtuurkii ka dib waxa taliskii axmaqa ahaa ee Siyaad barre, uu Hargeisa iyo guud ahaan Somaliland, ilaa ardaydii jaamacada Xamar joogtay ka soo ururiyay dhowr iyo afratan dhalinyaro ah. Wuxu ku xidhay oo ku ciqaabi jiray gurigii Dhiigyacab Gaani ee taliska. Axmed xasuusaha aanan ilaabin waxaa ka mid ah in uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee isku dayay in uu taliskaa ka baxsado, walow la qabtay nasiib darro oo ay taasina sababto in silsilado lagu dhamaan ardaydii oo dhan,  24 saacood ee maalintiiba .
Waxase muddan in aan sheego in uu ahaa AHUN ardaygii koowaad ee ku dhiirada in uu gurigaa Gaani, oo si adag loo ilaalin jiray uu isku dayo in uu ka soo baxsado,oo intuu siligii sare ee qolka fujiyo , jiingadiina ka soo dhex baxo uu  halkaa iyo saqafkii sare ka soo baxo.
Geesi dhiiran oo aad u calool adag ayuu ahaa AHUN.
Siyaad Barre dil toogasho ah ayuu ku xukumay oo haddana odayadii reer Somaliland oo baryo ula tagey si aanu caruurtaa u  dilin ayuu ka diiday oo qoraal ugu soo jawaabay in sida ugu dhakhsaha badan loo toogto.
Toodiina may noqon , (Cabdi mooyee) ,Alle na  wuxu u soo diray Baashe Diig, Cawil Cadami iyo Axmed Waraabe oo diyaaradii Somali airlines u afduubay oo ku qasbay Siyaad Barre, iyadoo Talyaanigu damiin ka ahaa in aan caruurtaa la toogan oo xabsi daa’in loogu badalay. Toddoba ayay ahaayeen, balse Cabdi Dhamac Caabi (AHUN) tiisaa gashay oo maalin ka hor baa hortooda lagu toogtay, lixdii kale se maalintaa wey ka badbaadeen. Waxay  kala ahaayeen:
1. Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar (Kanadi) oo maanta aynu aasayno.
2. Yusuf Maxamed Ciise (Yuunyo)
3. Cabdiraxiim Maxamed Baaruud (Bidhiidh)(AHUN)
4. Cabdi Ismaaciil Muxumed
5. Sheekh Maxamed Baashe Aw Cali
6. Cabdi Dhamac Caabi (AHUN)
7. Cabdirisaaq Ibraahim Kooshin Alfo.
Tusaale yaroo ka mid ah aan idinla wadaagee, 3dii january ee 1987, maalin Axada ah, marxuumka, Cabdiraxmaan Daahir Caynaashe ,  Yuusuf Maxamed Ciise( Yuunyo),Cabdiraxiim Maxamed Baaruud (Bidhiidh),Cabdirisaaq  Cilmi Geeydhi(Daabad), Faarax Dheere, Maxamuud, Maxamed Maxamuud Nayl,  Wey shahiideen badankoodu AHUN, maanta waxa ka nool Cabdiraxmaan, iyo Yuunyo ee  go’aansadeen in ay ka baxsadaan jeelkii mandheera oo ay dil iyo xabdi daa’im ku ahaayeen. 36 maxbuus baa ku guulaystay in ay baxaan oo baxsadaan, labana AHUN meeshii bay ku shahiideen, iyo laba dhaawac ah 12 na nolol baa lagu qabtay nasiib darro. Axmed Kennedey oo maalintaa markay soo nabad galeen ay BBC Somali Service waraystay ayaa ummada la wadaagay halaagii iyo dhibkii ka taagnaa maalintaa jeelkii Mandheera. Siddii uu maalintaa halganka ugu biirayna ilaa maanta oo tii Alle u timid, wuxuu hadh iyo habeen heegan u ahaa oo ku foolanaa nabadgelyada iyo horumarka Jamhuuriyadan barakaysan ee Soomaliland.
Nin muddan in aad xustaan, u ducaysaan oo xasuusataan baa innaga baxay maanta ee haddaba anoo ku hadlaya afka dhalinyaradii waagaa ee dhagaxtuurka  ee Organisation of the 20 th febuary(OTF), waxaan dhamaan shicibka reer Somaliland, carurtiisii, walaaladii Cabdiqaadir Sheekh, Juweeriya Sheekh iyo Ismaaciil Cabdi Xirsi ba iyo dhamaan Reer Sheekh Madar, iyo waliba qaraabadii, asxaabtiiba Alle uga baryaynaa in uu Alle godka u nuuro oo jannatu fardowsa ha ka waraabiyo.  samir iyo ii iimaan waasic ah na ka siiyo dhamaanteen . Aamiin Aamiin.” Qalinkii Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker