Oodweyne News - Latest Somali News Update

SHEEKADII QABAALKA Q1AAD

Sheekadan Iyana waa mid kale oo tusaale u ah aayo-darada kibirka iyo qofka ka baydha marinka haboon goobta uu ku dambayn doono.
Sheekada qabaalku Waa sheeko caan ah oo soo noqoshadeeda ilaahay laga magan galo warinteeduse ay wax ku qaadasho leedahay.

Qiyaastii amin lagu malo ogyahay 1820kii ayey sheekadani dhacday, deegaanka ay ka dhacdayna waa deegaanka buuhoodle iyo tuuraha marka uu roobku helo quruxda badan, waa dhulka hawdka ee ciida guduudan hodanka ku ah dhaqashada geela aad moodo in loogu talo galay, waa barimada ay geela iyo farduhuba ay ku bulaalaan kuna bataan, waa dhulkii markii eebe wayne uu arladiisa midba wax ugu talo galayey aad moodo inu si gaara ugu talo galay dhaqashada xoolaha.

Deegaankaa sheekadani ka dhacday waxa ku nool reero xoog iyo xoolaba isbiday, hantida lagu dhaartaa waa geel, curad iyo qaanba leh iyo farado wada baxdow miidhan ah colka looga ilaaliyo, dhaca iyo dilku waxay waagaa dhulka soomalida ay ka ahaayeen xeer aan soomali dhexdeed qornayn, kolkii ay arini adkaato oo loo maaro waayo, oo geesna u bixi waydo, ma jirin dawlad loola caraa aan ahayn odayaashii reeraha u arimin jirey kuwaas oo inta badan taladooda aan la dhegaysan jirin, odayadaas oo mararka qaarkoodna colaad taagan dabka kusii shidi jiray.
Gaalo geyiga wali sooma cago dhigan, oo qori iyo rasaasi midna gacanta somalida masoo galin, laba waran, hooto dhegolay ah, gaashaan, iyo faras baxdow ah qoladii meel ka buuxsata ayaa geyiga ugu xoog iyo xiriba badnayd, waxa la cunaa waxay ahaayeen cad iyo caano ay ka helaan xoolhii ay dhaqan jireen, qofkii xoolo yar haysta wuxu ahaa mida midha ay dhirtu bixiso oo xiligaa ku hamuun tiran jiray, cuno magaalo waa lagu diimi jiray jaad ay noqotaba, baahina umay qabin soomalidii waagaas noolayd.

Mudo markii la joogo ayaa loo safri jiray magaalooyinka xeebaha ku yaal si looga soo gato laba go’ oo bafto ah oo ragu qaato, iyo hadba wixii marashi ah oo haweenka looga soo helo, waxaanay soomalidii waagaas u haysteen in noloshaasi ay ku jireen ay ahayd tii ugu saraysay ee nooluhu ku noolaado cidkalena aanay waxba u ogayn.
Geyigu ma lahayn xarun dhexe oo looga arimiyo tolalka soomalida nin waliba isagaa boqor isu ahaa oo qumanihiisaa qoorta ugu jiray, ilaah mooyee cidkalena wax uma ogayn.

Maalin maalmaha ka mid ah iyadoo lagu jiro waqti jiilaal ah ayaa xoolihii loo soo aroorsaday ceel weyn oo buuhuudle ku yiil oo qoole la odhan jiray, dhawaaqii heesta shubaasha geela, kuwii adhiga iyo kuwii meesiyada kale ee la shafeecsado ayaa isu baxday, waxa Iyana goobta jooga hablo qurux iyo qaayoba leh oo dhaaman wada adhyaha cabaya amaba adhyaha caraabinaya marka ay barbaaradu u shubaan, nin waliba wuxu maalintaa oo kale ku dedaalayaa inu dhakhso u shubto oo xoolihiisa casar dheere aqaladii u saaro geel, fardo, iyo adhi wuxu soo aroorsadayba fiid horaadkana uu xeryahoodii uu ku shubo.

Kaasi waa ninkii dhaqashada ku suntanaa ee u hagar baxayey xoolihiisa laakiin maantaa oo kale waxa jira rag iyagoo kala daadsan ceelka yimaada oo yeeshii, wadaantii, iyo saabaankii darka aan sidan oo dawarsi iyo baryo raga la dulyimaada oo waqtiguna sidaa kaga dhaco hadaan la kahanba.

Maalintaas waxa darka joogay oo durba xoolihiisii waraabsaday nin axmed samatar la odhan jiray oo burgal lagu naanaysi jiray, burgal oo hawshii dhamaystay ayaa waxa la soo joogsaday nin ay isyaqaaneen oon agabkii waraabka aan sidan waxaanu waydiistay burgal inu siiyo qabaalka ha ku waraabsado geelee mar haduu isagu ku dhamaystay, waxa ninkaa la odhan jiray maxamed cabdalle liibaan arintaas oo burgalna ka yeelay siiyeyna qabaalkii.

Maxamed oo geelii ku waraabsanaya ayaa waxa hadana darkii soo joogsaday barbaar (wiil) kibirku indhaha tiray, qab weynina ay madax martay, ninkaas oo la dhashay 15 nin oo wada gaashaan qaad ah, ninkaas oo la odhan jiray cumar aadan galaydh, cumar waxa dhalay aadan galaydh oo ah ninka aynu sheekadan ciwaanka uga dhignay, ninkaas oo goobaha dagaalka iyo xasarada caruurta uu dhalay, aadan galaydh wuxu ahaa nin geesinimo, madax adayg, iyo hanti aduunyoba leh, oo cidina aanay la tartami Karin.

Burqal oo ahaa ninkii qabaalka iska lahaa ayaa waxay isu degmo yihiin oo meel qudha kasoo wada arooreen cumar aadan galaydh.
Aadan galaydh iyo beeshiisa waxa la daganaa reero dhan oo hooskooda hadhsan jiray maalintii colaadeed gaashaankooda ku gaban jiray, beelahaas ayuu kamid ahaa burgal oo hadal inu kusoo celiyo uma banaanayn reer aadan galaydh iyo beeshiisaba.

Cumar aadan oo kibir madax maray ayaa ku amray burgal inu u keeno qabaalka si uu geeliisa ugu waraabsado, burgal oon hadal soo celin ayaa u tagay maxamed oo ahaa ninkii uu qabaalka ku kaalmeeyey si uu xoolihiisa ugu waraabsado, waxaanu u sheegay inu cumar doonayo qabaalka uu geela ku waraabsanayo arintaas oo maxamed yidhi,geelii badhbaa iga oomane ii yar kaadi ku dheh, mar labaad ayaa cumar soo celiyey burgal oo yidhi iiga soo qaad qabaalka, sidii hore oo kale ayuu ugu jawaabay geelii baa badh iga oomane ii kaadi ha ii cabee.
Mar saddexaad ayaa ayuu cumar ku amray burgal hadii uu markaa qabaalka u keeni waayo inu ku dhufan doono dakhar dhiig leh, labada nine ee burgal dhexdooda socdaa waa laba nin oo ilmaadeer ah waa cumar iyo maxamed.
Burgal ayaa ku yidhi maxamed mar dambe biyo ha ku shubin ee keen qabaalka cumar baa doonayee, maxamed oo markaa ka hor aan cadhoon ayaa intu soo dhaqaaqay wuxu qabaalkii badhtanka kaga dhuftay murjin weyn halkaas oo qabaalkii badhtanka ka dalooshamay biyihii ku jirayna ay dhulka galeen.

Cumar oo ahaa ninkii kibirku indhaha tiray ayaa isna waqtigaa cadhooday oo kaal uu si fiican uu u afeeyey ku dhuftay maxamed oo uu halkaa naftiisii ku weysiiyey.

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189