Daawo:-“Doorasho 2019 Dhacaysa Ma Jirto” Jamaal Cali Xuseen.

Hargaysa-(OWN)-“Doorasho 2019 Dhacaysa Ma Jirto,’ Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in aanay jirin doorasho dhacaysa 2019, islamarkaana aanay muddada Guurtidu cayintay suuro gal ahayn in doorasho dhacdo. Guurtida ayaa go’aamiyay in doorashadu dhacdo 12-aad ee sanadkan.

Jamaal waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyada doorashadu khusaysa og yihiin in aanay muddada doorasho ku dhacayn laakiin, shacabka iyo beesha caalamka ee Somaliland danaysa been loo sheegayo.

“Aniga shakhsi ahaan aragtidayda doorasho 2019 dhacaysa ma jirto, kuwa kordhinayay way ogyihiin, Komishanku way ogyihiin kuwan xisbiyada laftarkoodu way ogyihiin laakiin, shacabka iyo beesha caalamka ayaa been loo sheegaya. Komishanka laftooda ayaa yidhi ‘anagu muddo 10 bilood ah ayaanu u baahan nahay marka wax walba lagu heshiiyo’,” Sidaas ayuu yidhi aqoonyahan Jamaal.

Waxa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee doorashada hor taalla aanay ahayn arrinta Komishanka laakiin, ay tahay saami qaybsiga Wakiillada. Waxa uu soo jeediyay in xaqiiqada la qaabilo oo si dhab ah looga hawlgalo arrimahan haddii xataa ay noqonayso in Dastuurka la furo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker