WAR-SAXAAFADEED: Kal-fadhigii 17-aad ee golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay Arrimo badan oo Qaranka muhiim u ah.

Golaha Wasiirrada

War-saxaafadeed laga soo saaray waxyaabihii Shirkaa lagaga wada-hadlay oo soo gaadhay Himilo, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Kal-fadhigii 17-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta (26/07/2018) lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xidhiidha dhinaca amniga, horumarinta arrimaha bulshada iyo hirgelinta mashruucii shaqo qaran.

Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku dheeraatay xaaladda guud ee nabadgelyada qaranka.

Iyadoo laga duulayo qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII), waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, iyo waddooyinka.

Waxa goluhu uu isku raacay hirgelinta biyo xidheenno waa weyn oo lagu joojin doono qul-qulka biyaha ee dooxyadu ku daraan badaha, mararka qaarna sababa qasaare laxaadleh oo naf iyo maalba leh, si looga hortago, baahida biyo yaraaneed ee dalka ka jirta, loogana faa’iidaysto biyahaa baaxadda leh. Waxaana dhaamamkaas laga hirgelin doonaa dhammaan gobollada dalka, iyada oo qorshuhu yahay in bisha siddeedaad ee sanadkan 2018-ka, labada biyo xidheen ee ugu horreeya laga bilaabi doono gobolka daad-madheedh (Oodweyne) iyo koonfurta caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu danbayn golaha wasiirada waxa la horkeenay Mashruucii shaqo qaran oo hore madaxweynuhu ugu xilsaaray guddi soo diyaarisa, soona deraasadaysa qorshihiisa iyadoo ay guddidaasi wejigii koowaad ee mashruuca soo dhamaystireen, dhawaana la bilaabi doono hirgelintiisa…”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker