SALDHIGILA`AANTA SIYAASADA WASAARADA WAXBARASHADA EE SOOMAALILAND

Wasaarada  waxbarashadu  waxa ay  ku  kordhisay  fasaxii    2 labada  bilood ahaa ,  bilkale ,  taasina  waxa ay keeni  doontaa  khalkhal waxbarasho  maadaama  arrinkan  dhawr jeer   ay isku   dayeen  wasiiiradii  uu u magacaabay  Xisbiga kulmiye mudadii  uu maamulaayey dalka, taasina waxa ay keetay  buuq  badan,   ugu  denbayna   waxa  laga  gaadhay  xal iyo heshiis waara. Waxa kale   oo  ay ku  doodayaan   dugsiyada  waxbarada  ee dowliga ah iyo  kuwa  Gaarka  loo leeyahayba   in    bishaa  lagu kordhiyey   aanay   haboonayn oo  ay  gaf  iyo khalad ku tahay     dugsiyada   waxbarashada. Waxa  kale  oo ay sheegeen   dugsiyadu  in  aanay bishaas dheeraadka ahi ugu jirin ajandaha iyo wixii laysku ogaaba oo ay khalad  ku tahay dugsiyada.

Hadaba  maxaa  ka dhex guuxaya  wasaarada   10kii sannadood  ee u danbeeyey oo  ay u saldhigi –laadahay , mise  waa  meel  kolba  qofkii  loo magacaabaaba  uu khalkhal  galiyo. Ka soo  biloow  Wasiir  Samsam  ilaa  Faratoonkan  iminka jooga  waa lacabanayaa uun, bal  Maxadweyne Muuse  Biixi  Cabdi  waxa aanu ka codsanaynaa  hadii aanu nahnay  dayarta  dalka ee  arrintanina  khusayso bal  meesha  hoos u eeg  maxaa ka  khaldan  si loo saxo.  Hadii  dalka  loo samaynaayo  nidaam  waxbarasho  ma wasiir  ayaa  u samaynaya  mise  waa mid  qaranka  lagala tashanaayo, wey fiicantahay inuu dalku yeesho  nidaam waxbarasho laakiin se  waa inuu  noqdo  mid saldhigaya oo kalba  aanu  wasiir  keenin  nidaam cusub oo kalifaad ah.  Hadii  ay  wado    Wasaaradu mashruuc  faaido   u leh  dalka   waxna  laga  faaidaayo   oo tayada waxbarasho  iyo  dhaqaala xumida  ka jirta   dalka   waxlagaga  qabanayo mushaharo  fiicana  loo qoraayo  macalimiinta ka hawl gala  dugsiyada. Hadii kale   oo  aan  sidaas  la yeelayn   yaan  dalka  la khalkhalinin.

Waxa  aynu   ognahnay    in   boqolaal  kun oo raday  ah  oo  iskugu  jira arday  dugsiyada    dowliga ah  iyo   kuwa gaarka  looleeyahay  ay u diyaar   garoobeen  in ay  tagaan 1/8/2018 dugsiyadoodii  si   aanay  manhajka   waxbarasho dib uga  dhin ardayda.   Waxa  kale  oo aynu  ognahnay    in  dhalinyarada   habeenkii   dadka  moobilada  ka qaadaa  ay  yihii   80 %  ardayda    fasaxa  ku jira  oo  markii ay waayeen wax ay  ku mashquulaan  door  biday  dafida moobilada  dadka  iyo  in  meelaha  luuqyada  ah  ee  madow  ay  dadka  ku baadhaan, wasaaraduna  waxba  kama  oga  ficiladaas  jira , arrimahaas  wax  lasocda oo  og waalidiinta  ubadka haysta.

Go`aankan    la`leeyahay  wasiirka  waxbarashada  ayaa  qaatay  ma xalbaa  mise  waa  xal la`aan?  aniga  waxa ay ila tahay  waa  xal la`aan   dalkana  waxa soo  food saaray  dhaqaalo  xumo  iyo  sixir  barar  is daba-joog  ah. Markaas  sidee  ayey  suurta gal unoqon kartaa  in   jahawareerkaas   lagu sii  jiro   ma dalka  oo  xaalad  tabcaan ah ka soo  baxay  ayaa hadan dib  lagu celinayaa mid kale, waxa  ay  ila tahay suurta  gal ma ah arrintaasi  waa lagu  degdegay     oo  wasaaradu  kalama  aysan   tashan  cidii ay  qusaysay , markaas  waa in si dhakhsa ah   looga  laabto  iyadoo  la tixgalinaayo  shacab weynaha  soomaliland iyo bahda waxbarashada.

Arinkani    waxa uu hor seedi    karaa Tahriib    hor leh  oo da`yarta wadanka   saamayn ku yeelan karta iyo inay yeeshaan balwado u khaas  oo dhibna keeni kara lana maarayn kari  waayo wadankana khalkhal u keeni  kara,  markaas  maaha  in  mustaqbalka      da`yarta  lagu  khamaaro , waa in la tixgaliyo   lana   ilaasho   masuuliyadna layska  saaro  waa sida  kali ah  ee aynu  wadankeena ku  ilaashan karno

Waxa kale  oo  aan  halkan    uga sheegi  la`haa  wasaarada   in  manhajka iyo  wakhigu  kala badan yahay    taasna  ay wasaaradu ku xisaabtanto, talada     culimaa`udiinkana    aqbasho  oo aanay  ka hor imanin     cid  kasta  oo erga ah.

 

 

Wabilaahi Tofiiq

Qalinkii  Maxamed  muuse  Cilmi

Bariise _77@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker