Xukuumadda Somaliland oo Ka Jawaabaysa Dugsiyo La’aan Ka Jirta Dalka.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in sahan waxbarasho oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in toddoba boqol oo degsiimo oo ka mid ah gobollada Somaliland aanay lahayn dugsiyo waxbarasho.

Wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Toorno  ayaa sheegay in daarasadda ay samayeen ay ku dabaqayaan in ay ka jawaaban baahiyaha waxbarasho la’aan ee ka jirto qaybo ka mid ah dalka.

“waxaanu soo xaqiijinay toddoba boqol oo degsiimo aan lahayn dugsiyo waxbarasho, marka waxa aanu go’aansanay in sannadkiiba aanu dhisno boqol si aanu guul uga gaadhno in meel walba ay dugsi hesho , sannadkan waxa aanu ku guulaysanay in boqol meelood laga dhiso dugsiyo”

Wasiir Toorno ayaa sheegay in ay dhismaha dugsiyada ay iska kaashan doonaan shacabka , dawladda iyo ha’yaddaha qadhaanka bixiya “dhismaha boqolka ah waxa samaynaya , wasaaradda, ha’yaddaha iyo shacabka , waxa hadhay lix boqol oo degsiimo in dugsiyo laga dhiso , waddo dheer ayaa ina sugaysa waana waajib in ay waxbarasho helaan dadka reer guuraaga ah iyo kuwa baadiyaha deggan” ayuu yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker