Saraakiil Iyo Masuuliyiin Loo Xidhxidhay Masaajidyo Lagu Gubay Itoobiya

 

 

Ciidamada Booliska deegaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen tiro mas’uuliyiin ah oo la sheegay inay sameeyeen dayacaad sababtay in masaajidyo dhowr ah la gubo.

 

 

Taliyaha Booliska Gobalka bariga Goojaam gashaanle sare Ayaalneh Tasfaaye ayaa sheegay in Xubno masuuliyiin ah,

 

oo xilal ka hayay dawlada Deegaanka Amxaarada loo Xidhxidhay Sabab La Xidhiidha Xil  gudasho la’aan masuuliyadeed iyo waliba fal dambiyeedkii falkii foosha xumaa ee lagu gubay masaajidyada.

 

Waxaa uu sheegay in xubnaha la xidhay ay kala yihiin Taliyihii booliska maamulka magaalada moota,

Madaxii ka hortaga dambiyada booliska magaalada moota, madaxii xafiiska maleeshiyada maamulka magaalada moota iyo Taliyahii ciidanka .

maleeshiyada ee magaalada moota ee gobalka bariga goojam ee Amxaarada.

 

Dhinaca kale Wakaalada Wararka Deegaanka Amxaarada ayaa lagu baahiyey in 33 ruux oo kale looga shakiyey inay ka dambeeyeen falkii lagu gubey Masaajidyada la xidhay.

Kuwaas oo baadhitaano ay ku socdaan.

Deegaano badan oo dalka Itoobiya ah gaar ahaan deegaannada dowlad deegaanka ayaa waxaa dhawaan ka dhacay banaanbaxyo rabshado watay oo looga horjeedey saddexdii Masjid ee lagu gubey gobolka

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker