FAYSAL DOOR MA KU LAHAA SOO QABQABASHADII DADKII JASIIRA LAGU LAAYEY??

1) Faysal Cali Waraabe xaggee buu joogay markii Jasiira dadka lagu laayey 17kii July 1989?
2) Ma dhici kartaa inuu door ku lahaa soo qabqabashadii dadkaas?
3) Waqtigaas kuweebay ahaayeen saaxiibbadiisa ugu dhowi?
4) Dadka reer Sheekh Isaxaaq iyo SNM xanta ma ka qarsan jireen Faysal mise way la wadaagi jireen?
5) Maxaa keenay in dadkii arrinkaa ku wax yeeloobay ee garanaya maamulka iyo shakhsiyaadkii gaboodfalkaa ka qayb qaatay inaanay qabiil u haysan wixii gaboodfalka geystay, Faysalna uu mar walba qabiilka Daarood guud ahaan iyo Mareexaan gaar ahaan godobtaa dusha uga tuuro.
6) Dhibbanayaashii guryahooda lagala baxay ee xarumihii lagu xidhay laga soo daayey Faysal ma ogyahay raggii masuuliyiinta ahaa ee ka daba tegey ee ku dagaallamay si dadkaa loo soo daayo?
7) Faysal iyo inta uu beenta u sheegaa ee runta moodaysaa cantarabaqashkiisa ma ogyihiin raggii dadka la xidhay soo daayey oo Daaroodkaa Faysal wada denbiilaha ka dhigayo ka midka ahaa in qaarkood Hargeysa la joogaan maanta, dhegeysanayaanna waxa uu Faysal warbaahinta kaga taamayo?

image.pngimage.png
image.pngimage.png

Anigu maalintaa jimcaha ahayd ee rabshaddu bilaabantay xaadir baan ku ahaa masaajidkii Sheekh Cali Suufi ee dhibku ka bilaabmay, Ilaahay baa nabad igaga bixiyey. Nin aannu saaxiib ahayn isku degaanna kawada nimid (Laascaanood) Jaamacadda ummaddana aannu wada dhigan jirney ayaan xusuustaa oo rasaastii dhacaysey ku dhaawacmay imminkana Sweden jooga. Waxaan xaadir u soo ahaa qabqabashadii dhallinta lagaga ururinayey Cassa popolare (Kaasa balbalaare). Waxaan xusuustaa raggii saldhigga Hodan lagu xidhay ee dhallinyarada ahaa, waxaan garanayaa magacyadii raggii ciidanka saldhigga booliska Hodan ee qaybta lixaadka leh ka qaatay sii daynta dadkaa la soo xidhxidhay intaan saldhigga laga gudbin naftoodana khatarta ku geliyey oo ay ka mid ahaayeen Alla ha u naxariistee walaalkay Jaamac Ibrahim iyo nin Yuusuf yare la odhan jirey oo reer Burco ahaa oo ay saaxiib ahaayeen walaalkay. Yuusuf yare markii danbena Xamar waannu ka soo wada qaxnay ilaa Kismaayo isaga iyo nin kale oo dhallinyaro ahaa oo Booliska Hodan ka mid ahaa oo isna reer Burco ahaa (magiciisa waan illaaway hadda). Intii itaalkayga aha anigu waan ka qayb qaatay sii daynta dhallintii saldhigga lagu xidhay. Magacyadooda intaan soo ogaado ayaan ka qaylo-dhaan keeni jirey si looga daba tago intaan saldhigga laga wareejin. Rag badan ayaa sidaa lagu sii daayey.

 

Gebagebadii dadkii xaqdarrada lagu laayey waxa badidooda laga soo qabqabtay guryahay degganaayeen. Soo qabqabashada waxay ku salaysnayd xog iyo xuuraan ciidanka la siiyey si loo bartilmaameedsado guryo khaasa. Waxa hubaal ah xogtaas dad maamulku ku shaqaysto ay bixiyeen. Waxa hubaal ah in Faysal ka mid ahaa dadkii maamulku ku shaqaysan jirey ee xogaha u keeni jirey. Waxaa taa kaaga filan doorkii Faysal ku lahaa soo qabqabashadii dhallinyarii UFO ee Hargeysa laga soo qabqabtay dabadeedna toogashada iyo xabsi daa’imka lagu xukumay. Maxammed Baaruud oo ka mid ahaa dhallintii UFO Faysalna ay ilmaadeer yihiin ayaa warkaa goobo badan ka caddeeyey, cod, muuqaal iyo qoraalna ku muujiyey keydka iyo dhaxalkana ku suntay.

 

Haddaba dadka wax baadhaa jawaab ha u raadiyaan su’aashan.

“Faysal Cali Waraabe door intee leeg buu ku lahaa soo qabqabashadii dadkii Jasiira lagu laayey?

Reer Sheekh Isaxaaqoow maanta laga bilaabo ogaada Faysal anaa ka mujaahidsane!

 

 

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker