Wasiirka wasaarada Beeraha oo xilkiisii qaadi kari la, oo la liic liicaya shaqadiisiina dayacantahay. Qalinlkii . Maxamed Cali Ibraahin

Wisiirada shaqada loo igmadaa waxa weeyi in mas,uuliyada ka saran qaranka iyo umada wadankaasi ku nool uu xilkii loo doortay u qaado sidii loogu igmaday sidaasina bulshadu kula xisaabtanto .
Hadaba qarankan Somaliland gaar ahaan dawlada muuse biixi waxa dhacday in dadkii ugu tayada xumaa uu usoo xulo dawladiisa waxana markhaati kuugu ah in wasaaradaha qaar lagu aamini waayo wasiiradii loo magacaabay dabadeedna wasiira kale ay mas uul ka sii noqdaan sida wasaarada qorshaynta qaranka oo la hoosgeeyay wasaarada maaliyada .
Hadaba bulshooy waxa dayacan hada wasaaradii beeraha wasiirkeediina waa magac uyaal wax shaqo ah oo bulshada Somaliland wasaaradaa beeruhu ay u ahaysaana maba jirto haba yaraatee
Waxan ku jirnaa wakhtigii roobka ee wax beerasha da wax qorsha ah oo wasaarada beeruhu u haysaana ma jirto umada Somaliland wac yi galin iyo wax tar midna meel ay ku danbayasay wasaaradii beeruhuna haba yaraatee ma jirto hadaba mudane madax wayne bulshada Somaliland waxay kuu dooratay in wax ka badasho waayaheega nolo leed .
Waxad balan qaaday in 30 % aad wax soo saarka beeraha aad kor u qaadi doonto sanadka ugu horeeya sanadkiina waan soo dhaafnay wax isbadal ah lagama arag sanad kii ugu horeeyay hoos udhac moo yee .
Sanad ka labad oo ah sanadka aan ku jirno waxad balan qaaday in aad gaadhsiin doonto wax sooraarka dalka 50% waana sanadkan aan ku jirno wax dhaq dhaqaaq ah iyo wax is badal ah midna lagaama hayo .
Wakhti ka sii danbeeyana warkisaba reeb lagaamana fadhi ilaa aad raacdo talaabooyinkan hoos ku qoran .

Fiiro gaar ah

Waa in aad wax k abadasha wasaarada beeraha iyo cida aad u igmatay ama aad u magacawday
Waa in aad samaysaa la xisaabtan buuxa oo sal iyo baar ah umada somalilandna ku qanac san tahay
Ta sadexaad oo ah in aad wasaarada hoos gayso wasaarad kale marhadii wasiirkii aad u magacaw day xilkiisii gabay adiguna aad waxaba ka qaban kari wayday .

Qalinlkii . Maxamed Cali Ibraahin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker