Madaxweynihii Dalka Haiti Oo Lagu Dhex Dilay Gurigiisa

Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse ayaa lagu dhex dilay gurigiisa,waxaa sida warbaahinta u sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah dalkaas Claude Joseph.

Ra’iisul Wasaare Jospeh ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay soo weerareen guri gaar ah oo uu deganaa madaxweynaha, kadibna ay dileen.

Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker