Warqad Furan Ku: Wasirka Taclinta Somaliland Mudane Yassin Xaji Maxamuud Xir faratoon

Warqad Furan

Ka: Dr. Saeed Sheikh Mohamed

Ku: Wasirka Taclinta Somaliland Mudane Yassin Xaji Maxamuud Xir faratoon

Mawduuc: Ardayda laga joojiyey imtixaanka shahaadiga ah

Hordhac

Mudane anigoo kugu qadarinaaya xilka aad dalka u hayso, waxan halkan kuugu so gudbinaayaa talo iyo tusaaloyin aniga ka fakiraaya danta ubadka ah oo qudha iyadoon waxba iiga hooseen. Alle waxan ka baryayaa inaad indho iyo qalbi fayow oo aqoon yahan ku akhrido warqadan. Markale waxan Alle kaaga baryayaa inuu ku waafajiyo danta umadda Somaliland. Waxan jeclaa Inaan ku hor fadhiisto oo aynu ka wada munaaqshoono arrinka. Hase yeeshee taasi hadda suurta gal maaha maadaama aan sugney wadanka debdiisa. Sidaa awgeed inaan warbaahinta adeegsada laga maarmaan bay noqotey.

Dulucda:

Waxn dhagaystay shirkii jaraa’id ee aad dhwan qabatay ee aad bulshada ku wargalisay inaad imtixaanka shahaadiga ah ka joojisay caruuta ka soo booday fasal kay ku jireen; caruurtaas oo tiradoodu gaadhaysoo boqolaal. Go’aankaga waxad ku salaysay in ay waajibtahay inu arday waliba 12 sano dhamaysto si uu imtixaanka dugsiga sare ugu fadhiisto. Wareegtaad arinka ku soo saartey.

Madaama tacliinta nidaamiga ah Ingriiskii inoo bilaabay, waxay inoo soo gudbiyeen nidaam kii iyaga bariga u yaaley oo ay wax inooga soo dheegeen waqtiga (1940). Intii ka dambaysi tacliinteena, wax ka dhaca mooyee wax horumar ah oo badani ku maysoo kordhin, dhanka tayada iyo nidaamka. Taas baa keentay, in dad badan oo inla da’ah oo indhaha ku kala qaaday nidaam kii tacliinta ee aynu ka dhaxalnay ingriiska ay layabaan in si tayo le dugsi sare lagu dhamayn karo mudo ka yar 12 sano. Hadaba, hadaanay innaga hore inoo soo marin, waa sida dad badani u haystaane, wax badan ayaa aduun yada iska badalay, hadii laga eego dhinaca nidaamka iyo dhinaca waxbarshadaba. Hadii bari lala yaabi jirey, manta waxa lagu faanaa oo caruurta lagu amaana aduunyada inuu ilmuhu isagoo weli aan qaan gaadhin uu si aan cadi ahayn ku guulaysto shahaadada PhD. (Doctoraa). Sababtu waxay tahay, Alle dadka si u ma wada abuurin ee wax badan ayey kula duwan yihiin sida:

1. Fahmada

2. dadaalka,

3. Hantida qoyska,

4. garabka reerku siiyo ilmaha,

5. xalada dhaqan ee qoyska,

6. xalada dhaqan ee dugsiga iyo xafada, iwm.

Marka loo firsado saamaynta cawaamil kaasi ku leeyihiin ilma walba, waxa shaki la’aan ah, inay caruuta fasal kuwada jiraa wax badan ku kala gedisan yihiin. Waxay caruutu u qaybsamaan fasal walba gudihiisa qaar sare, dexe, hoose; hibo dheeraada oo Alle qaar siiyaana waa jirtaa.

Xaqa uu qof kaasta u leeyahay, da’du doono ahaadee, inuu imtixaan shahaadiya u fadhisto, waxa tusaale inoogu filan, waa sida looga qaateen aan ka maqlee, Mudane Cumar Carte Qalib iyo Mudane Xassan Adam wadaadiid inay laba duba u faadhisteen GCE iyagoo macalimiin ka ah dhugsiga dhexe ee sheikh

1950naadkii, oo uu midwaliba 9 maadadood ku faa’isay, taaso ka dhigneed A+ . Qaar kale oo badanina way ka dembeeyeen.

Canada 1990 naadkii, habar 65 jir ah ayaa imtixaan ka dugsiga sare ku faa’istay,;4 sano dabadeed jaamacada York University ee Toronto ku taala ayey ka qalin jabisay. Habartu waxay sheegtey inaney yaraan teedii fursad u helin ay wax ku barata oo ay caruur teeda keligeed u shaqayn jirtay oo ay taxi wada jirtey, Markay hawl gabay ayaan u jeedsatay dhanka wax barashada”. Markii la wadiiyey waxay u tarayso shahaadadda jaamacadu, waxay ku jawaabtey: “Waa sharaf ii soo hoyotey. Waxay intaa ku dartey: “ Shalay hadaan dhimaan lahaa, waxan ahaan lahaa dareewal dhintay. Maanta hadaan dhinto waxan ahay aqoon yahan dhintay”. Dadka waaweyne haday wacdarahaa dhigeen kuwa yaryarna maxaad moodey.

Carruta xariif nimadooda laga yaabay:

Caruurta aduunyada ugu da’da yar ee jaamicado ka soo baxay, qaar koodna, qaar koodna si la yaable dugsi dhameeyeen, waxa ka mid ah:

1. Moshe Kai Cavalin

Isagoo 8 jira ayuu ku galay college, 9 jir wuxu qaatay associate degree, 14 jir wuxu ka qalin jabiyey University of California at Los Angeles.

2. William Maillis

9 jir buu ku dhameey dugsi sare 29/9/16. Isago dhigta Community College of Allegheny county Pennsylvania, USA, ayey aqbashay Carengie Mellon University, USA, 2017 oo u hadda uu ku jira.

3. Cannan Huey-You

11 jir ayuu ku dhameeyey dugsigii sare May 2017. Durba waxa qaadatayTexas Christian University oo uu bilabay is la sanadkaa.

4. Carson Huey-you

Isagoo 14 jir ah, ayuu ka qalin jabiyey Texas Christian University, May 2017. Labadan caruuta ahi – Cannan iyo Carson – waa walaalo. Hooyo dood waxay tidhi: “labada inanba marku mid waliba fasalku ku jirey dulmarey, ee ay caruutay wax wada dhiganayeen ku dhex caajiseen, ayaan goostay inaan guriga wax ugu dhigo. Waanan ku guulaystay” .

Caruurta qaaty PhD. (doctoraa):

1. Akshay Venkalesh

Isago 11 jir ah ayoo biladda cawlan (bronze) oo ku qaatay tartan Physics Olympiad oo lagu qabtay virginia, USA, 1993; 13 jir wuxu ka qalin jabiyey University of Western Australia; PhD. Wuxu ka qaatay Princeton University, USA, 1997.

2. Erik Demaine

12 jir ayuu ku galay Dalhousie Univeristy, Canada isagoon haba yaraatee aan dugsi hore ugalin. Waxanu ka qalin jabiyey isagoo 14 jir ah. Waxa qaadatay MIT. isagoo 20 jir ah ayuuka qaatay Ph.D 2001.

3. Juliet Beni

15 jir ayay ku qalin jebisay 2012; 19 jir PhD. ayay ka qaadatay University of California. Los Angeles. Markiiba waxa lagu qaatay associate professor.

4. Sho Yano isagoo

9 jir ayuu college ka qalin jebiyey; 12 ayuu ka qaatay PhD. Loyala University, Chicago, 2009.

5. Ruth Lawrence

13jir ayey ka qalin jabiyisay Oxford University 1983.. Waxay ku guulaysatay PhD, 17 jir, 1989.

6. Balamurali Ambati

13 Jir wuxu ka qalin jabiyey New York University, 17 jir isla jaamacadda wuxu ka qaatay doctoraaga dhakhtarnimada.

7. Esther Okade

10 jir ayey ku gashay Open University, UK. Fasal keeda iyadaa ugu saraysa, maadad walba natiijada imtixaan keedu waa 100%. Waxy isu diyaarisay inay jaamacadda ku dhamayso 2 sano gudahood, 13 jirna PhD. ku qaadato.

Caruuta aan kor ku xusay haday qayrkood dul mareen, waxa qudha ee is dhaafiyey, Alle ka sokow , waa dadaalka waalid kood la garab taag naayeen. Caruurteenuna dad kaas ayuun bay la mid yiine kama duwana. Waxa hubaal ah in ilmaha yar ee Somaliyeed, meeshu doono ha joogee, haduu gacan ka helo qoys kiisa inuu caruurtaa xarfaanta ah dhigooda noqonaayo. Caruurteena iyagoo 6 jir ah quranka Kariimka ah dhameeyey, iyadoo maadado kale udheer yihiin inay 10 jir ku dhameeyaan dugsi sare waxba ku ma aha. Caruurtaa macaahidda iyo dugsiyada gaarka ah dhigtaa, waxay istaahilaan in dugsiyo gaar ah loo furo (gifted and genius children) oo la dhiiri geliyo sida aduunyada inta badan ka jirta.

Barashada qofka sinaba looguma xadidi karo inuu 12 sano ugu yaraan ilmuho heer jaamicadeed ku soo gaadho. Haday sidaasi sax tahay, dad badan oo si la yaable wax u bartey ayaan jaamacadba is agtaageen.

Aniga laftayda ayaan 12 sano dhamaysan. Dugsigay hoose ila ka sare, waxan ku dhameeyey 10 sano (Dugsi hoose 3 sano, dugsi dhexe 4, dugsi sare 3) anigoon wadanka meela u dhaafin. Wax aniga igu gaarana may ahayn ee dugsiyada sare ee farsamo waxay ahaan jireen 3 sano, halka uu dugsiga sare ee caadiga ihi (secondary level) 11 sano oo wadanka gudihiisa ah, iyo 2 sano oo Ingiriisak lagu diyaarin jirey (adavanced level); Mudo13 sano oo waxbarasho ah ayaa marka la soo dhameeyo jaamacaadaa la geli jirey Yurubta galbeed oo dhan, Talyaniga mooyee oo isagu 12 sano ku mudaysnaa.

Markan dugsiga sare dhameeyey (10 sano), waxan tagey wadan ka Franciiska oo aan ka diyaariyey 5 shahaadadood oo jaamiciya oo 4 yihiin tacliin sare (post graduate) oo PhD. ka mid tahay oo aan weliba ku faa’isay darajada u saraysa. Toban sano ayey ugu qaadatay inaan intaaso guulo ah ku soo hooyo. Dadka waxba ma dheeriye ee go’aan adag, dadaal badan, duco waalid, iyo galad Alle ayaan halkaa ku gaadhay. Shahaadado shan ah inaan qaata, arrin aniga ee gaara buuhaa. Sedex shahaadood qof inuu qaata waa cadi, laakin inuu qaata intaa in kabadan cadi may hayn waqtigaygii; maanta se walaga yaabaa inay jirto. Wadadaan anigu maray, mid lamida haduu dhalaankeedu maro maxaa ku jaban?

Waxaan anigu qabaa in uu qof waiba da’du doono ha ahaadee xaq uleeyahay inuu imtixaan shahaadiya u fadhiisto; waxaaney ka mid tahay xuquuda distoorkeenu siiyey qofka. Qaramada Midoobayna hore ayey u ansixisay. Wareegto waxbaa lagu nidaamiya ee qof xaq Alle siiyey, distoorkuna sugay, Bani Aadmiguna isla qaatay lagagama qaadi karo; xaq annu lahayna la guma siin karo. Tasi waxay ka suura gashaa oo qudha wadama kali-talisku ka jiro. Imtixaan sidiisaba da’ kuma xidhna qof yar iyo qof wayniba way u fadhiisan karaan. Natijada uun baa ka asal ah, haduu faa’iso iyo hadii kaleba.

Inaan yar oo qoyskayga ah, ayaa wuxu ku qancay inuu fasal kii uu ku jirey waxba ka faa’idayn oo uu ka sareeyo. Walid kii wuxu ku wargeliyey inuu doonaayo inu boodo (Form 3 to Form 4). Waalidkii way ka diideen. Isna wuxu istaagey inaanu dugsigaba tagayn hadaan loo ogalaan inuu sidaa yeelo. Markii loo tag waayey ee ay joog satay inuu boodo iyo inuu taclin oo dhan faraha ka qaado, tiisii baa loo yeelay, imitixaan kii shaadiga ahaana natijo wacan buu ka keeney. Hadda inan kii wuxu jooga London, UK, college baanu ku jira oo cilmiga injineerka ka bartaa.

Mudane Wasir, waxay ila tahy inaanay qaban caruurta inaad imtixaanka ka hor joogsato. Maqabato dadaalka iyo xamasada ay halkaa ku soo gaadheen inaad khasaariso oo aad niyad jab ku rido. Maqabato, inaad tacabka walidka kharashka iyo dadaalka la daba taagnaa, ee hadba dugsiga gaarka ah ee wacan geenaayey. Maqabato tacabka walaalka ilmaha sida waayn ugu heelanaa ee baxdo iyo dhacdo caawinaay. Reerkii faraxsanaa ee aan waxba kala hadhin ilmahooda yar, ee natijada uun sugaayey, hadii aad go’aankaa aad qaadatay ka dhabayso, faraxii wuxu isu rogayaa cadho iyo murugo; gabal madaw baa reerkaa udumaaya. Ilmaha yarna waxa laga yaaba qalbi jabka ku dhacaa, inuu ku keeno cudarada maskaxda ku dhaca qaar kood oo uu ugu sahlan yahay wareer (depression); kaa soo isu rogii kara wali dhaba, ama sababi

kara ilmuu inu isdilo ama cid kale dilo. Arrinkaasi haduu sida udhacana waxay noqonsaysa balaayo qoyska ku habsatay. Qoyska wixii dhib iyo saamayn aan la mahadin la soo darsa, wareegtadada awgeed, adiga ayaa maalinta yawm Al Qiyamah, Alle kaala xisaabtamaya.

GabagaboG

Waxan ku gunaanadayaa, inay haboontey, Wasir inaad:

1. Hakiso wareegtada aad soo saarty sanad kan;

2. Magacwdo gudi koban oo aqoon yahana iyo waalidba le oo diraasaysa arinkan;

3. Shir balaadhan aad ugu yeedho macaliiminta, waalidka, hay’adaha aan dawliga ahayn, iyo cidii kale ee danaynaysa si loo qaada dhigo xogta gudidu aysoo heshey.

4. Go’aamo laga soo saro laga ansixiyo Golaha xukumada, xeer dajinta loo.

5. Ku qanacdo wareegto, wasirka kaa dembeeyaa badali kara, inaanay sharci ahayn.

6. Gar waaqsato in waxa qudha ee dadka iyo xukumada u dhexeeyaa aytahay sharci. Sharciga inaad ilaalisaana waa waajib.

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Dr Saeed Sheekh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker