Tallooyin Muhiim ah: Khatarta Caafimaad ee Taleefanka Gacanta iyo WIFI

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday majaladda CounterPunch oo ah laba biloodle ka soo baxa Maraykan, saynisyahanno iyo dhakhaatiir kala duwan, ayaa ururiyey caddaymo ka marag kacaya raadka taban ee ay seenyaalayaasha birlab-danabeedka leh ee taleefanka gacantu sii daynayaa in ay si aad u xeeldheer u dhexgalaan jidhka aadamaha, muddo dheer kaddibna ay dhacdo in jidhku uu qabatimo. Taasina ay tahay sababta ay dad badani uga maarmi kari waayaan sidashada taleefanka gacanta, oo ay saynisyahannadu ku tilmaameen bambo-kaah khatar ku ah caafimaadka.

Wabrixintu waxa ay sheegaysaa in khatartani ay jirto xitaa marka uu qofku taleefanka oo aanu isticmaalayn, laakiin shidan ku sito jeebka iyo jiifka marka uu barkimada agteeda u yaallo. Maadaama oo sida ay xeeldheereyaashu sheegayaan marka uu taleefanku shidan yahay ay jiraan hiraryareyaal (Mocrowaves) si aad u firfircoon u dhexmaraya taleefanka, una gudbaya jidhak qofka jidhkiisu taabanayo taleefanka. Arrinta khatarta ahina waa in fallaadhaha qarxay ee loo yaqaanno (Pulsed Radiations) ay soo jiidan karaan unugyada jidhka iyo xitaa unugyo neerfeedyada maskaxda.

Khatartku kuma koobna taleefannada gacanta ee waxa kale oo ay ka imanaysaa internet yada aan xadhiga lahayn ee ‘WiFi’ loo yaqaanno. Waxa aanay khubaradu ku talinayaan in laga fogeeyo meelaha ka agdhow in jidhka qofka ay xidhiidh toos ah la yeeshaan, iyo in ay fiican tahay in habeenkii inta la hurdo la iska dembiyo.

Fallaadhahan ayaa ay warbixintu sheegtay in jidhka ay ku ururayaan ay ku keenana xanuunno ay ka mid yihiin noocyada kansarka, xanuunnada neerfayaasha, xaaladaha caafimaad darro ee nafsiga ah iyo dhibaatooyin kale.  Khatartaas oo aan ku koobnayn aadamaha, balse ay sida oo kale dhibaato ka gaadhayso xayawaanka iyo dhirta.

 

Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker