Maxaabiis Budhcad Badeed Soomaaliya oo lagasii daynayo Xabsiyada Puntland.

Garoowe-(OWN)-Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah oo ku xidhan deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo budhcad badeednimo ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland isku afgarteen sii deynta maxaabiista ku jirta xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha budhcad badeednimada.

‘’Maxaabiista ku xidhan Puntland ee loo heysto kiisaska Budhcad badeednimada ee u xidhan xukunnada looga soo riday dalka dibeddiisa, ayaa leysku afgartay in la sii daayo, iyada oo loo marayo sii deyn-tooda waddadii maxaabiistii iyaga la midka ahaa laga soo daayay dalalka dibeda’’ ayuu yidhi Daahir Maxamuud Geelle.

Shirka ayaa sidoo kale arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa, Amniga, Qaraxii Buuhoodle, Maxaabiista u xidh xidhan budhcad badeednimada, xaalada ka taagan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan weerarrada lagu hayo xarumaha Isgaadhsiinta iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirrada ee shalay ka dhacay ayaa yimid kaddib markii xal hoose laga gaadhay wax xooggaa khilaaf ah oo ka dhashay go’aankii uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uga baaqday dhaggax-dhigga dekedda Garacad oo ay siweyn uga xumaadeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland.

Image result for budhcad badeed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker