Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo 232.000 kun oo Dollar ku Wareejiyay Gobolada Sanaag

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo tobaadkii hore safar u kuur galka xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo ugu baxay gobolada bariga dalka isla markaana gobolada iyo degmooyinka uu maray gaadhsiiyay qaadhaan lacageed oo xukuumaddu ugu talo gashay samato biinta dadka iyo duunyada abaartu ku dhufatay,ayaa shalay qaadahaan lacageed oo dhan 232000 kun oo Dollar ku wareejiyay guddoomiyeyaasha gobolada Badhan iyo Sanaag isla markaana ku dhawaaqay in ay raashin u qaybin doonaan afar kun iyo shan boqol oo qoys oo ku nool labada gobol gaar ahaan dadka nugulka ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa shalay guddoomiyaha gobolka Sanaag ku wareejiyey lacag dhan$167000 (Boqol iyo toddoba iyo lixdan kun) oo dollar, halka guddoomiyaha gobolka Badhan na madasha lagu guddoonsiiyey qaadhaan lacageed oo dhan $65000 (Shan iyo lixdan kun) oo dollar, taas oo ah qaadhaanka ay xukuumaddu u qorshaysay gurmadka abaarta waqtigan jirta.

Dhinaca kale waxa ay guddidu halkaas kaga dhawaaqday in xukuumaddu ay raashin siinayso 4500 (Afar kun iyo shan boqol) oo qoys, kuwaas oo ku nool gobollada Sanaag iyo Badhan, gaar ahaan dadka intooda jilicsan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa xadhiga ka jaray rig biyood duleedka magaalada Ceerigaabo,kaas oo uu mudane Saylici guul ku tilmaamay in duleedka magaalada laga hirgeliyo Riig biyood ay bulshadu cabbaan, kaas oo kaabiga ku haya magaalada, waxana wehelinayey wasiirka horumarinta Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), badhasaabka gobolka Sanaag, iyo maayarka degmada Ceerigaabo.

Waxaanay Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu socod ku mareen gudaha magaalada Ceerigaabo isla markaana waxay a shaaheeyeen dadweynaha magaalada Ceerigaabo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker