Hargebka iyo Covid-19: Maxay Ka Mideysan Yihiin Maxay se Ku Kala Duwan Yihiin?

Labaduba waa laba xannuun oo uu fayras keeno , waxayna ka midaysan yihiin astaamo guud oo fayrasyo badani wadaaggaan . Laakiin, nooc ahaan iyo saamayn jidheed ahaan  way kala duwan yihiin marka la eego sababbaha keena, muuqashadooda, raadadka ay reebaan iyo habka looga hor tegayoba.

Guud ahaan , labadan xannuunba waxa la is kugu gudbin karaa dhibco qoyan oo kasoo baxay neefmareenka qof aafeysan una gudbey qof  aan aafeysneyn jidhkiisa,gaar ahaan meelaha uu fayrasku ka weerari karo sida afka ,sanka iyo indhaha

(dhibcahani ama si toos ah haku gudbaan ama taabasho ‘e waa side yaal )

Sidoo kale, waxa jira astaamo ay ka siman yihiin sida ; xumadda ,qufaca iyo daalka.

Hadaba, sababta ama cudur dhaliyaha keena labadan xannuun wuu kala duwan yahay waayo wargebka waxa keena fayraska loo yaqaano Influenza Visrus, halka uu Covid-19 kana   keeno fayraska loo yaqaano Severe Acute Respiratory Syndrome ama Cov 2 virus.Si lamid ah sidaas ,muuqasho ahaan, hargebku wuxuu qofka kaga muuqan karaa hal maalin illaa iyo afar maal mood.

Laakiin, Covid-19 wuxuu qofka kaga muuqan karaa hal maalin illaa toban iyo afar maalmood inta u dhaxaysa. Waxa kale oo ay ku kala duwan yihiin, raadadka iyo cawaaqibka ,maxaa yeelay hargebku badanaa ma laha caqabado kale oo la socda ,balse Covid-19, habdhiska neefsiga ayuu si dhakso leh u  xanibayaa taasina waa arrin maaraynteedu aad u culus tahay.

Ugu dambayn ,ka hor tagga ahaan hargebku wuu leeyahay tallaal sannadkii hal mar qaato ,laakiin Covid-19 lagagama hor tegi karo hab kiimiko ahaaneed ,hab dabiic ah mooyaane ,waxaanad kaga hor tegi kartaa is karantiimayn iyo faraxal.

 

 

 

 

Khalid Mahad Osman “Curaagte”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker