Madax-dhaqameed Ka Kala Yimi Puntland Iyo Jubaland Oo Gaarey Magalada Laascaanood + Sababta Socdaalkoda.

Laascaanod-(OWN)-Wefti madax-dhaqameed oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xurunta gobolka Sool, si ay qayb uga noqdaan hawlaha  xasilinta amniga  koonfurta G. Sool.

Weftigan oo ka yimi Jubaland iyo Puntland ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada Tukaraq oo 52Km. Bari kaga aadan magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlay soo dhoweynta weftigan ayaa waxa uu aad uga mahad celiyey talaabada geesinimada leh ee ay ku doonayaan nabadaynta  dadkooda.
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in safarkoodu uu ku wajahan yahay sidii ay dhibka ula qaybsan lahaayeen wallaalahood.
“Anagu waxaan u soconaa in aan la xisaabtano labada beeloodba, waayo dadka ay laayeen waa dadkii aan boqorka u ahaa, mana dhacayso in maalin walba dhiig la daadiyo” sidaana waxa yidhi Boqor Burhaan oo intaas ku daray in aanay wax siyaasad ah u socon ee dhibkaas ka dhacay Dhumay.
Weftigan ayaa galabta la filayaa in ay u anbabaxaan hawdka gobolka Sool ee shaqaaqadu ka dhacay iyadoo ay wadeen gaadiid ay ku raran yihiin agab deeq ah, inkasta oo aanay iyagu soo hadalqaadin.
Safarka Boqor Burhaan ayaa siyaabo kala duwan loo hadal hayaa iyadoo dadka qaarkii ay aamisan yihiin mid soo daahay, dadka qaarna in wadahadalada Jigjiga laga wado ee labada beelood u dhexeeya uu safarkani uu dhabar jebin ku yahay, halka qaar kalena ay aaminsan yihiin mid aad u mihiima oo loo baahnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker