Ururka Vosomwo oo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa ku Boggaadiyey Xeerka Kootada Lagu siiyey, Baarlamaanka, Xisbiyada Ucid & Waddan-na ka Codsaday inay Meelmariyaan Xeerka Rajada Shacabka Gabooye….

Ujeedo War-saxaafadeed: 7/6/2018-ka Khamiistii, kal-fadhi ay yeesheen golaha Wasiiradda Xukuumada Somaliland, oo u shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici, waxa lagu ansixiyey in saddex Kursi oo Kooto ah la siiyo bulshada Beelaha Gabooye.
Go’aankaasi waa mid aanu soo dhoweynayno, hadii aanu nahay Ururka Vosomwo oo muddo 17-sanno ah u taagnaa u dooddista xuquuqda Beelaha Gabooye oo intaa Somaliland jirtaybaa Ka madhnaa golayaasha kala duwan ee dalka. Tallaabadan hadda uu ku dhiiraday Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi, waa mid horumar iyo qaan-gaadhnimo qaran tilmaamaysa, waxaanu jebiyey Dayrkii dulmiga, isla markaana waxa uu sameeyey cadaalad iyo masuuliyada hoggaamiye dhab ah, isagoo nagą aqbalay Codsiyaddayadii mudada dheer aanu kala quusan la’ay madaxdii hore qaranka, sida Madaxweyne Daahir Riyaale iyo sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, kuwasoo ku dhiiran waayey inay Ka badheedhan xuquuqda Bulshadaas ka maqan,  nasiib wanaag, waxa Riyadayadii Rummeeyey Halyeygan Qaran, Madaxweynaha Maanta Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiye go’aan wanaagsan.
Ururka Vosomwo waxa uu cod dheer ku Hambalyeynayaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo  dumisay Dayrkii Dulmiga ee lagu hor taagnaa Beelaha Gabooye, waxanaanu leenahay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa waad ku mahadsan tihiin, masuuliyada aad gudateen,  waxananu idinka Codsanaynaa in ay daan halkaas kaga hadhin, balse aad ku daba-gashaan golaha Wakiiladda. Wallow ay weli jiraan tabashooyin badan oo dhinacyo kala duwan ah oo ay qabto bulshadani, haseyeeshee waxanu aaminsan nahay inaad duruuf walbaa kii ka saari lahaa tahay.
Sidoo kale, Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo waxa uu labada Xisbi qaran ee mucaaridka ah Waddani iyo Ucid, ugu baaqayaa inay kal-furnaan ku qaabilaan qoondadaas, Madaxweynaha qaranku siiyey bulshada Beelaha Gabooye, isla markaana la qaataan sida masuuliyadda leh ee Xeerkaasi uga soo baxay Xukuumada, masuuliyad lá mid ahna kusoo dhoweeyan Sadexdaas kursi ee kootada loogu xidhay bulshadaas mudada dheer dulmanayd. Mar labaad iyo mar saddexaadbaa Ururka Vosomwo waxa uu labada Xisbi mucaarid lá socodsiinayaa inay Kamid yihiin bulshada gabooye oo ay taageerayaal ku leeyihiin, sidaas daraadeedna masuuliyadda Madaxweynaha ka saaran xuquuqda Beelahaas mid lamida inay saaran tahay Waddani iyo Ucid-ba wanan ku faraxsanayn labadaas Xisbi siday u tixgeliyaan danaha Beelaha Gabooye ee ay isku garab taagan mar walbaa.
Gunti iyo gebo-gebadii, Golaha Wakiiladda Somaliland ee hadda Kuraasta fadhiya,  isla markaana marar badan Xeerkan Maanta kasoo baxay golaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ku eedeyn jiray Madaxweynaha ayuu ka socon lá yahay, in bulshada Gabooye magan uga tahay Maanta inay u Ansixiyaan Xeerkan Kootada lagu siiyey. Waxanaanu ka rajaynayaa golaha Wakiilada Somaliland inay meel-mariyaan rajada Shacabka Gabooye.
Sidoo kale Ururka Vosomwo waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa bahda Warbaahinta Somaliland dhamaantood, waxananu Saxaafada dalka u aqoonsan nahay inay hormuudka yihiin soo dhicista xuquuqda bulshada lá takooro.
Waa Bilahi Tawfiiq.
Voice of Somaliland minority women organization – (VOSOMWO)
Faysa Cabdilahi Diiriye.
Agaasimaha Ururka Vosomwo.
Office Hargeysa/ Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker