Ingiriiska Oo Kasoo Horjeeystay Muddo Kordhinta Loo Sameeyey Farmaajo

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ayaa si kulul uga hor timid Go’aankii maalin kahor ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday muddo kordhinta ugu sameeyeen Hay’addaha dowladda iyo Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK James Duddridge ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin tallaabada muddo kordhinta labada sanno ee Xildhibaanada ugu sameeyeen hay’addaha iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Farmaajo.

Wasiir James Duddridge oo bayaan soo saaray ayaa waxaa ku sheegay inay ka naxeen markii ay maqleen muddo kororsiga lagu dhaqaaqay, isla markaana uu go’aankaas yahay tallaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hoggaaminta Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK James Duddridge ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay si degdeg ugu laabtaan wada hadalada, six al buuxa looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka dhacaya.

“Maaddaama uusan jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto iyada oo aan dib loo dhigin, xiriirka bulshada caalamka iyo hoggaanka Soomaaliya ayaa is beddelaya, UK waxay lashaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xiriirkeena iyo nooca caawinaada aan siino Soomaaliya” ayuu yidhi Wasiika.

Si kastaba Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ayaa xalay saxiixay sharciga gaarka ah ee Jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo sheegaya in dalku aaday doorasho qof iyo Cod ah, lana sameeyay muddo kordhin laba sanno ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker