Tacsi Madaxweyne: Marxuum Xaashi Muuse Xuseen

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Muuse Xuseen oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/03/2019, ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa iyo oday dhaqameed ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland, dib u dhiskii dalka iyo horumarintiisaba.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker